Tababar La Siinayay Masuuliyiinta Hogaaminta Dhexe ee Gobolka Nogob oo Lagu Soo Gunaanaday Magaalada Fiiq.

Fiiq(CN) Khamiis Nov20-204.Waxaa waayadanba ka socday guud ahaan 9ka Gobol Caasimadahooda Tababar la siinayay hogaaminta Dhexe ee maamulada Gobol kasta iyo Degmooyinkooda oo looga gol-lahaa sidii aragti midaysan looga qaadan lahaa jihooyinka siyaasadeed iyo Qorshayaasha dhaqan dhaqaale ee Xisbiga talada deegaanka haya u dejisan si loo suurtogaliyo Horumar waara,Nabadgalyo buuxda iyo Maamul Saxar-tiran oo hanta ka midho-dhalinta Qorshayaasha iyo ka jawaabista baahiyaha iyo Adeegyada shacabka.

Tababaradan ayaa daba socday tababar todobaadkii hore lagu soo gunaanaday kuliyada Maaraaynta ee magaalada Jigjiga ay ku qaateen Hogaaminta Sare ee XDSHSI iyo Xukuumada taasoo lagaga dooday Geedisocodyada Xisbiga islamarkaana. Hadaba Wasiirka Adeega shacabka iyo kobcinta Maamulka Ee DDSI Marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ku qornayd tababarka hogaaminta Dhexe ee Gobolka Nogob ayaa maalmahan tababar uga furtay Magaalada Fiiq Dhamaam Hogaaminta Dhexe ee Gobolka Nogob iyadoona fahan buuxa hogaaminta laga siiyay Jihooyinka iyo Qorshayaasha Xisbiga ee ku wajahan Horumarka, N.galyada iyo maamulka suuban.

Sidoo kale Waxaa hogaaminta la siiyay Buugaag ka koobnaa Xeer-hoosaadka XDSHSI,Barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga iy Dastuurka Deegaanka iyadoona hogaamintu ay ka doodeen Nidaamka iyo Ruuxda Xisbinimo ee la xidhiidha ku dhaqanka. Marwo Maajida oo Ka Hadashay Xidhitaankii Tababarka Hogaaminta Dhexe Ee Degmooyinka Gobolka Nogob Ayaa sheegtay in X.D.SH.S.I Uu Sanadihii ugu danbaysay Uu Horumar la taaban karo ka Hirgaliyay Deegaanka isagoo ka Duulaya Qorshaha 5ta sano Ee is badalka Koboca-dhaqaalaha dalku dhigtay islamarkaana uu xisbigu Xooga saaray Horumarinta Adeegyada Aas-aasiga u ah nolosha Bulshada iyo Duunyadaba sida Helida Biyo Nadiifah(Biyaha),dhinaca kor uqaadida caafimaadka, waxbarashada, Shaqo abuurka iyo ka Faa`iidaysiga wabiyada iyo Dooxooyinka.

Wasiirada ayaa Kula dardaarantay Xubnaha Hogaaminta Ee Tababarkan ugu soo gabagaboobay magaalada fiiq inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay usii Xoojin lahaayeen Adeegyada ay Bulshada Uhayaan isla markaana Waxyaabaha ay ku barteen Tababarkan ay Bulshada uga Faa`iideeyaan ilaa heer tuuloqaybaha bulshadana ku wacyigaliyaan barashada Dastuurka Deegaanka, Dastuurka Federalka,ka hortaga Musuqa iyo Barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga si ay u noqdaan Bulsho garwaaqsata xuquuqahooda dastuuriga ah iyo waxqabadka horumarineed ee ay ka sugayaan XDSHSI.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Nogob Mudane dayib Axmed Nuur oo gabagabadii tababarkani ka hadlay ayaa Tilmaamay in Maamulada Degmooyinka Gobolka Nogob looga baahan yahay in waxyaabaha ay tababarka ku qaateen ka muuqato adeegyada ay bulshada ufidinayaan iyagoo sidoo kalena gaadhsiinaya qaab dhismeedka Tuulooyinka.

Tababarkani oo Mudo 4 maalmood ah ka socday xarunta Gobolka Nogob Ee magaalada Fiiq Ayaa waxay ka qayb galayaashu Ku baranayeen cashiro ay kamid yihiin Dastuurka Dalka iyo Kan Deegaanka, xeer Hooseedka X.D.SH.S.I iyo ka Hortaga Musuqa