Wasiir Kuxigeenka Xafiska Xidhiidhka Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Mulkiilayaasha Hotelada Booqdayna Matxafka Bilawga ah eeMagalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Shaki kuma jiro in umad walba lagu aqoonsado Dhaqankeeda,Taariikhdeeda iyo khayraadka lagahelo haday ahaan lahayeen Agabka Dhaqanka,Ataarta,Taariikhda,Ugaadha,xeerarka iyo Xeerbeegta hogaaminta dhaqanka iyo Goobaha Dalxsiiska. hadaba guud ahaan soomaalida ayaa leh astaan iyo dhaqan soo jireena iyo xeer-nidaamyeedyo hogaamin dhaqan iyo xeer-beeg ay isku maamuli jireen qarniyaal badan loona baaan yahay in Diiwaan taariikhda aynu gaarka u leenahay lagu qoro taariikhdii uu Deegaanku soo maray iyo Agabka Dhaqanka iyo ataarta aynu goonida u leeyahay soo jireenkana ahaa.

Xafiiska Xidhiidhka Dawlada Dhaqanka yo Dalxiiska DDSI ayaa u jihaystay sidii uu u soo noolayn lahaa Agab-dhaqaameedka, Ataarta,Goobaha Dhismayaasha Taariikhiga ah, Goobaha Dalxiiska iyo Ugaadha kala duduwan ee uu deegaakeenu leeyahay in loo sameeyo Matxafka dhaqanka iyo Taariikhada lagu xafido iyo Goobaha Dalxiiska oo kor loo soo qaado.

Hadaba Wasiir kuxigeenkaXafiiska Xidhiidhka dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi ayaa maanta kulan balaadhan oo lagu gorfaynayay nadaafada,Muujinta dhaqanka iyo Soo jiidashada dalxiisayaasha kula yeeshay hoolka xafiiska dhamaan Mulkiilayaasha hoteelada ku yaala magaalada Jigjiga.

Mudane Baashe ayaa mulkiilayaasha u sheegay in Hoteeladu yihiin muraayada soo jiidan karta dalxiisayaasha,Horumarka iyo Kobaca Dhaqaale balse looga baahan yahay buuxinta shuruudaha adeegyada ay bixiyaan sida nadaafada,adeegyada isgaadhsiinta, Madadaalada, dhadhanka cuntada, Tilmaansiinta, ufududaynta macaamilka baahiyahooda la xidhiidha socdaalada dalxiiska iyo gaadiidka u fududayn kara xiisogalinta dalxiisayaasha iyo kor u qaadida kobaca dhaqale ee Deegaanka.

Mudane Baashe ayaa sheegay in mulkiilayasha Hotelada waawayn ee ku astaysan heerka Standard 1 sida xamda Hotel,Nogob, Universal Hotel, Kulmiye Hotel,Adom Hotel iyo kuwa soo raaca in looga baahan yahay iyadoon aan la dhaliilayn adeeg-bixintooda wakhti xaadirkan in ay hal talaabo dhanka horumarka iyo tayada adeeg-bixineed loo qaado sida in la xoojiyo ilaalinta Nadaafada Shaqaalaha, Goobaha Jiifka,Cuntada,Musqulaha,adeega internetka iyo telefonada islamarkaana loo sameeyo shaqaalaha adeega Dharka astaanta u ah aqoonsiga shaqaalha islamarkaana.

Shaqaalaha adeega ee hotelada waa in lagu tababaro shaqada gudaheeda aqoonta la xidhiidha nidaamka adeegyada laga bixiyo hoteelada ama ay shaqaalaha hadba ay doonayaan ay ku shaaciyaan Goobaha warbaahinta si ay u helaan Dad bixiya adeega ay u baahan yihiin oo haysta aqoonta shahaadada Barashada Hotel Management oo wax ku soo bartay Kuliyadaha la aqoonsan yahay ee Dalka sida kuliyada Farsamada,Xirfada iyo Cilmiga Biyaha ee ku taala magaalada jigjiga.

Masuulka ayaa mulkiilayaasha hotelada ku booriyay in ay kaalinta kaga aadan kobcinta Dhaqanka iyo soo jiidashada Dalxiisayaasha ay kor u soo qaadaan iyadoo Gudaha Hotelka lagu muujiyo Agabka dhaqanka Deegaanka.

Dhanka kale Xafiiska ayaa dhawaan si ku meelgaadh ah u aasaasay Xarunta Matxafka(Museum) kaasoo lagu soo bandhigayo Noocyada Agab-dhaqameedka Deegaanka, Farshaxanka,Taariikhda,Ataarta iyo Hagardaamooyinkii UBBO u gaysatay Shacabka kuwaasoo Dhaxal u noqon doona soomaalida itoobiya iyo jiilka soo korayaba kaydinta iyo Soo ururinta Dhaqanka iyo Taariikhda DDSI.Waxaa kale oo uu sheegay wasiirkuxigeenku in la diyaariyay Qorshe wakaalada Dalxiiska loogu samaynayo Mulkiilayaasha Hotelada iyadaoona Xeer-hoosaadka ay yeelan doonto loo akhriyay ka soo qaybgalayaasha islamarkaana ay si wayn u soo dhaweeyeen qorshahan cusub.

Mudane Baashe ayaa ugu baaqay dhamaan 9ka Gobol,68da degmo iyo 4ta maamul magaalaba in Museumkan uu ka dhaxeeyo Guud ahaan Soomaalida Itoobiya loogana baahan yahay in Agab dhaqameedyada ay hayaan keenaan Xaruntan oo ah halkii ku haboonayd ee Dhaqanka iyo Taariikhda Deegaanka loogu talo galay.Sidoo kale Dadka haya waxyaabihii uu isticmaali jiray Garaad Wiil-waal iyagoo ku mahadsan sida ay xilka iskaga saareen Xafidida Qalabkii Garaadka in ay halkii looga baahnaa oo ah Xarunta Matxafka Jigjiga soo gaadhsiiyaan.