Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wufuud Waday Koobka Dibucurashada Wabiga Wayn ee Abbay oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Jigjiga

Jigjiga(CN) Sabti Nov-22-204.Koobka wabiga dib u curashada wayn ee abay  si balaadhan loogu soo galbiyay xarunta deegaanka ee jigjiga. Waxaa galabta xukuumada DDSI shacabwaynaha ku dhaqan xarunta deegaanka ee jigjiga kooxafa fanka iyo suugaanka DDSI ay si meeqaam sare ah u soo galbiyeen koobka biyo xidheenka dib u curshada Abay.

Soodhawaynta oo Dareen Qadarin Wadaniyadeed huwan lagu soo dhaweeyay ayaa ay Masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo sucaad ahmed faarax , fhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyada XDSHSI, golaha wasiirada DDSI iyo shacabwayne aad u diro badan ayaa galabta kaga hortagay koobkan masaafo ilaa 30KM u jirta xarunta deegaanka ee Jigjiga.

Koobkan Sharafta mudan oo ahmiyada balaadhan ugu fadhiya dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayaa soo maray deegaanada dalka iyada oo kolba deegaan lagu wareejiyo ayaa waxaa galabta lagu soo wareejiyay xukuumada DDSI iyada oo uu u gudoomay mayorka maamulka magaalada jigjiga mudane cabdirisaaq saxane oo xalay uu marti u ahaa.

Wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada uu koobkani u leeyahay guud ahaanba qoomiyadaha shucuubaha iyo dadyowga dalka itoobiya isaga oo si qoto dheer ugu nuux nuuxsatay doorka ay ku leeyihiin hirgalinta biyo xidheenka dib u curashada Abay xukuumada shacabwayanaha Ganacsadada iyo qurba joogta DDSI islamarkaana balanqaadka DDSI yahay Sidaynu u Bilawnay Biyo-xidheenka Abbay ayaanu u Dhamaystiraynaa.

Koobkan ayaa ay Galbinayeen Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka iyo warshadaha DFI,kuxigeenka Afhayeenka Federationka DFI iyo Masuuliyiin kale oo soo dhawayn diiran oo kal iyo laab ah ay ku qaabileen Masuuliyiinta heerarkooda DDSI,Qaybaha Shacabka iyo Ururada bulshada iyadoona Damaashaad balaadhan uu xalay ka socday magaalada Jigjiga ee ah Caasimada Deegaanka.