Madaxwaynaha DDSI oo U Tahniyadeeyay Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Sida Ay U Soo Dhaweeyeen Koobka Abbay iyo Guud Ahaanba Dadaalka Dheer ee Mashruuca Biyo Xidheenka Wayn ee Dib u Curashada Itoobiya.

Jigjiga(CN) Axad.Nov.23.2014, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa uga hambalyeeyay una tahniyadeeyay dhamaan shacabka iyo xukuumada DDSI soo dhawaynta iyo sida ay ula wareegeen koobka dhaxalka u ah qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya ee wata magaca mashruuca wayn ee Biyo Xidheenka Dib u Curashada Itoobiya ee Abbaay.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si gaar ah ugu tahniyadeeyay shacabka, odoyaasha, dhalinyarada, hooyooyinka, masuuliyiinta, hogaaminta xisbiga, haayadaha nabad galyada iyo waftigii waday koobka Abbaay oo uu madaxwaynuhu uga mahad celiyay dareenka soo dhawayn iyo dadaalka ay shacabka DDSI dal iyo dibadba ay u hayaan mashruuca wayn ee biyo xidheenka ah.

Sidoo kale madaxwaynuhu waxuu aad uga mahad celiyay qurba joogta DDSI oo iyaguna taageero balaadhan lagarab taagan biyo xidheenka wayn ee Abbaay islamarkaana iibasaday boondhiyada mashruuca. Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in ay qurbajoogtu markasta garab taagan yihiin xaaladaha iyo dadaalada kasocda dalkooda iyagoo wakhtigii hada ugu danbeeyay muujiyay taageero aad u balaadhan isbadalkii iyo go'aamadii shirwaynihii 8aad ee XDSHSI. Jaaliyadaha dalalka qurbaha iyo ururada kala duwan ee qurbajoogta u dhalatay DDSI sida SEDYO iyo dhamaanba jaaliyaadka ayaa ah kuwo markasta heegan u ah horumarinta dalkooda.

Madaxwaynaha oo lafilayo in uu toddobaadkan kusoo wajahan yahay dalka iyo deegaanka ayaa carabka ku dhuftay in uu deegaanka Soomaalida Itoobiya uu qorshe ugaar ah u soo saaran doono Abbaay islamarkaan lasoo bandhigi doono. Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in ay taariikhdu qori doonto halka iyo doorka uu qofwaliba ka qaatay dhamaystirka mashruuca biyo xidheenka wayn ee dib u curashada Itoobiya haday tahay boondhiyada iyo hadat tahay dadaalka xoogan ee loogu jiro mashruucan quwada korantada oo ah kan Afrika ugu wayn.

Koobka Abay oo labilaabay 2004 T.I ayaa waxaa iska leh dhaxalna u leh qoomiyadaha iyo shucuubta reer Itoobiya, Wuxuuna ahmiyad iyo xormo gaar ah u leeyahay dhamaan qoomiyadaha, iyadoo uu kaalin kayahay dadaalka qoomiyadaha reer Itoobiya ee Biyo xidheenka wayn.

Waxaana sida warbaahinta DDSI kamuuqatay aad loogu soo dhaweeyay duleedka xarunta DDSI ee caasimada Jigjiga shalay  niskii hore. taasoo laga dareemayay dareenka iyo dadaalka ay Soomaalida Itoobiya ugu jirto ka midho dhalinta Abbay.
Biyo xidheenka wayn ee dib u curashada Itoobiya (GERD) oo ah mashruuca quwada korontada ee ugu wayn Afrika aduunkana noqonaya kan 8aad ayaa yeelanaya quwad koronto oo dhan 6 000 (lix kun oo mega watt). Waxaana dal iyo dibadba muuqata ka go'naanshaha in reer Itoobiya ay dhamaystiraan mashruucan oo dadaalkiisa iyo hindisihiisaba uu aabo u ahaa hogaamiyhii aragtida dheeraa ee Males Zinaawi.