Inaalilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun Gudoiyihii Degmada Birqod oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday.

Jigjiga(CN) Isniin Nov-24-2014.Waxaa shil baabuur ku geeriyooday maanta gudoomiyihii Degmada Birqod naxariistii jano alle ha ka waraabiyee Marxuum Axmed CabdiCiilmooge oo maanta si Qaran loogu aasay Xabaalaha sheekh cali guure ee magaalada igjiga.

Aaska marxuumka ayaa ay dhamaan masuuliyyiinta sare ee Xukuumadu ku dhanaayeen,sidoo kalana Odoyaasha dhaqanka, Culumaaudiinka, Ganacsatada iyo Qaybaha kale ee Bulshada ilaahayna uga baryay in uu Marxuumka Janatul fardawsa ka waraabiyo ehelkii iyo xaaskii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin.