Xafiiska Horumarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSI ayaa Maanta Kulan Layeeshay Masuuliyiin Kasocoday Xafiisyada Horumarinta DDSI oo u Anba’baxayay Gobolada ay Ka Socoto Dib u Dajintu.

Jigjiga(CN) Arbaco.Nov.26.2014, kulankan oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka oo ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska  ayaa waxaa ka soo qaybgalay tiimam ay horkacayeen masuuliyiita xafiisyada horumarinta DDSI iyo kuwa ay bahwadaagta yihiyiin ee wadajirka uga qaybqaadanaya mashaariican dajinta Qoysaska agagaarada wabiyada iyo dooxooyinka.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo indha indhayn lahaa heerka waxqabad ee ay  marayaan mashaariicaha dib u dajintu ee laga hirgalinayo 4 gobol ee ay ka socoto dajintu ayaa  waxaa kulankaasi hogaaminayay wasiir ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka Xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarag iyo wasiir ku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Cabdikuus Cabdilaahi Saleebaan.

Haddaba kulanka oo si gaar ah diirada loogu saarayay sidii loogu kuur galilahaa heerarka ay marayaan mashaariicihii qorshaysnaa sanadkan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirku xigeenka ahna Kusimaha Xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Ibraahin Maxamed Mubaarag wuxuuna si qoto dheer ugu warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay barnaamijkan dajinta guud ahaanba deegaanka.

Sidoo kale waxa uu wasiirku xigeenku sheegay dadaalada balaadhan ee ay xukuumad iyo xisbiguba ugu jiraan hirgalinta horumar waaro oo aan soo noqod lahayn waxayna bartilmaameed ka dhigatay ayuu yidhi xukuumadu sidii bulshadeena xoolo dhaqatada ah loogu badalilahaa xoolo dhaqato beeralay taasina natiijooyin waawayn sanadihii ugu danbeeyay laga soo hooyay.

Waxaana sanadkan qorshaysan ayuu yidhi wasiir ku xigeenku in dib u dajin loo sameeyo bulsho dhan 16750 kuwaasi oo hada meel fiican maraya wuxuuna ka booriyay masuuliyiinta heerarkooda kala duwan  ee u baxaya hada gobolada in ay si mug leh u soo darsaan heerka mashaariicahan ay marayaan.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Cabdikuus Cabdilaahi Sulaybaan ayaa ku nuux nuuxsatay ahmiyada uu leeyahay barnaamijkani iyo waliba dar dargalinta qorshayaasha lagaga midho dhalinayo barnaamijkan.

Isaga oo sii wada hadalkiisa wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu si balaadhan ugu dar daarmay masuuliyiinta hada baxaysa in ay natiijooyin wax ku ool ah ka soo hooyaan hawlahan shaqo ee ku qotoma dhinaca dajinta si mug lehna u soo cabiraan heerka wax qabad ee  ay marayaan qorshayaashaasi.

Masuuliyiintan hogaaminayay tiimasha oo ka socday xafiisyada horumarinta DDSI sida beeraha caafimaadka waxbarashada biyaha iyo kuwa kale ee ay habwadaagta yihiin ayaa maanta ku anba baxay 4  gobobol ee  ay ka socdaan dib u dajintu, kuwaasi oo kala ah Siti, Liibaan, Afdheer iyo Shabeele.