Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

War Sixaafadeed Ay Soo Saartay Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO Ayay Kusheegtay in Qiimayn Lagu Sameeyay Waxqabadka Cidhibtirka Cudurka Dabaysha oo Laga Fuliyay Wareegii 3aad Dalka Itoobiya Ayaa Lagu Xusay in DDSI Ay Guulo Ka Soo Hoyisay Cidhibtirka Polio.

Jigjiga(CN) Arbaco.Nov.26.2014, Qiimaytan ayaa waxay ka timiday ka dib markii uu codsi ka yimiday kooxaha taakulaynta farsamada ee geeska Africa ee marka afka qalaad magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano (TAG) technical advisory group mudadii uu u socday shirkoodu oo ku beegnayd August 2014.

Haddaba war murtiyeedkan qiimaynta ah ayaa waxay ku sheegtay in laga fuliyay iyada oo laga duulayo in uu dalka iyo deegaanka soomalida itoobiya  ka jiro iyo in kale  kiiskii cusbaa ee cudurka dabaysha virus polio duurjoogta kaasi oo laga helay meelo ka mid ah wadamada aan jaarka nahay sida wadanka soomaliya oo laga helay duulada la yidhaado hubyo ee ka tirsan wadanka soomaliya.

Kooxahan sameeyay qiimaynta oo uu ka mid ahaa u qaabilsanaha hay’ada caafimaadka aduunka (WHO) geeska Africa iyo madaxda xafiisyada Unicef, ESARO, CDE, USAID and core group. Kuwaasi oo fuliyay dabagalka qiimayntan oo u qotontay in horumar ama guulo laga fuliyay dalka Itoobiya (perepidemology is real) iyo in tayada dilaaca poliada laga hortagayo oo hawlahaasi ay yihiin kuwo qalajin kara ka hortaga fiditaanka  cudurka polia ama laga cidhibtiri karo polio.

Waxaana qiimayntaasi lagu xaqiijiyay in deegaanka Soomalida Itoobiya laga cidhib tiray cudurka Polio.

Tanina waxay horeed u tahay ka dib markii ay xafiiska caafimaadku wakhtiyadii ugu danbeeyay dadaalo culus u qaadeen cidhibtirka cudurka polio.