Ogaysiis: Dhamaan Jaaliyaadka DDSI ee Ku Dhaqan Dubai iyo Nawaaxigeeda Ka Soo Qaybgalka Xaflad loogu Magac Daray Dubai iyo HABEENKEEDII CAANO KA DHAN oo Ka Dhici Doonta Radisson Blu Hotel.

Dubai(CO) Arbaco Nov-27-2014. Waxaa lagu wargalinayaa jaaliyaadka ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan imaaraadka carabta iyo nawaaxigeeda in Habeen dambe lagu qaban doono Xaflad balaadhan oo loogu magac daray Habeenkii Caano Ka Dhan ee Reer Dubai taasoolagu taageerayo Guulaha XDSHSI uu ka gaadhay Dhinacyada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban,Xidhiidhka Qurbajoogta iyo Go'aanadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee Xisbigu ku yeeshay Magaalada Fiiq ee Xarunta Goolka ogob.

Munaasabadan ayaa ay ka soo qaybgali doonaan Xubno sare oo kamida hogaaminta xisbiga talada Deegaanka haya oo warbixinada waxqabadka Xisbiga iyo xukuumada ka soo jeedin doona. Sidoo kale Fanaaniinta deegaanka kuwooda loogu jecel yahay ayaa Xafladan wacdaro ka muujin doona haday ahaan lahaayeen Dhanka Dhaantada oo uu Abwaan Axmed Budul u soo Safriyay Masraxa Dubai io Habeenkeedii Caano Ka Dhan halkaFanaan Maxamed Saleebaana uu soo istaagi doono masraxa Habeenka Dubai looma kala hadhin Munaasabada Habeen Danbe ka dhici doonta Radisson Hotel-Dubai,Fanaaniinta codka halalaasiga laga daba dhacay leh ayaa iyaguna Habeen Dambe doorkeeda masraxa ka qaadan doonta. Yaan la moogaan Habeenka Caano Ka Dhan ee Dubai oo Xiiso gaara loo qabo.

Goobta shirku uu ka dhici doono Waa Radisson Blue Hotel.

Maalinta Shirka Khamiis. Saacada Xaflada 7da Fiidnimo.

Radisson Blu Hotel, Dubai Deira Creek Hotel