Madaxwaynaha DDSI Oo Wakhtigan Kusugan Xarunta Dalka Ee Addis Ababa Ayaa U Hanbalyeeyay Shirka Dubai.

Addis Ababa(CN) Khamiis.Nov.27.2014, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo haatan ku sugan xarunta dalka ee caasimada Addis ayaa hanbalyo iyo bogaadin u diray qurbajoogta wadanka Imaaraadka ee soo agaasintay shirka caawa ee kadhacaya Dubai.

Madaxwayane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa uga hanbalyeeyay sida isxilqaanka leh ee ay qurbajoogtu iskood isu abaabuleen islamarkaana uga qayb qaateen hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ee DDSI iyo guud ahaanba dalka. Kuwaas oo ay ku taageerayaan xukuumada iyo shacabku dadaalka ay socdaalka dheer ugu jiraan.

Gaar ahaan madaxwaynuhu waxuu si gaar ah ugu hanbalyeeyay qurbajoogta Soomaalida ee wadankaasi Imaaraadka iyo sida ay udiyaariyeen shirkaas dubai kadhacaya.

Shirarka iyo taageerooyinka qurbajoogta ayuu madaxwaynuhu ku tilmaamay hawl culus oo muujinaysa heerka ay maanta iskood ku gaadhsiisanyihiin guud ahaanba qurbajoogta u dhalatay DDSI oo kaligood isu abaabulaya kana qayb qaadanaya islamarkaana taageero buuxda lagarab taagan shacabkooda iyo xukuumada oo isku duuban.

Sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu uga mahad celiyay dadaalka markasta ah ee ay qurbajoogtu wadanka ku maal gashanayaan kuna taageerayaan hawlaha horumar ee lagu cidhibtirayo saboolnimada.

Shirka dubai oo caawa ku beegan ayaa lamagac baxay Habeenka Caano Kadhan kaasoo ay kaqayb qaadanayaan masuuliyiin kasocatay xukuumada iyo hobalada fanka iyo suugaanta.