Munaasabad Lagu Taageerayay Guulaha XDSHSI iyo Xukuumada DDSI oo Ka Dhacday Holland.

(CN) AxadNov-30-2014. Waxaa ka dhacday Magaalada Hardenberg ee Dalka Netherlands xaflad si heer sare ah ay u soo agaasimeen Jaaliyada DDSI ee ku dhaqan Dalkaasi Holland taasoo lagu taageeray Go'aanadii dhaxal-galka ahaa ee ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI uu ku yeeshay dhawaan Xarunta Gobolka Nogob ee magaalada Fiiq iyo guulaha waawayn ee ay Xukuumada iyo Xisbiguba sanadihii ugu danbeeyay ka gaadheen dhinacyada horumarka, n/galyada, maamulka suuban iyo xidhiidhka qurbajoogta.

Xafladan ayaa ay ka soo qaybgaleen Qaybaha Qurbajoogta ku dhaqan dalka Netherland iyo nawaaxigeeda Sida Hogaaminta dhaqanka, culumaaudiinka, Aqoonyahanka, iyo maamulka jaaliyada. Furitaankii Xafladan oo aayado quraan ah lagu furay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI ee Holland Mudane Axmed Mukhtaar isagoona faahfaahin dheer ka bixiyay heerka waxqabadka XDSHSI iyo Xukuumada maantu ay ka taabogaliyeen 4tii sano ee ugu Danbaysay siiba Dhinacyada Horumarka aasaasiga ah,Nabadgalyada, Maamulka Saxar-tiran, Maalgashiga iyo Xidhiidhka Qurbajoogta.

Xubinkan oo ku hadlayay magaca jaaliyada ayaa yidhi"Waxaan sidoo kale dhanbaal udiraynaa gudoomiyaha xisbiga ahna afhayeennka barlamaaka DDSI mudane Maxamed-Rashiid Isaaq iyo Madaxweynaha DDSI mudane Abdi Mohamoud Omar sida cadcadaanta leh eey ku hogmaaniyaan xisbiga".

Waxa sidoo kale ka hadlay xafladan Prof. Cali Aar oo ka shakeeyey tarikhdii madobeyd ee degaankena soomaray ka hor itoobiyada maanta ee ka curatay halgankii EPRDF iyo,maamuladii fadhiidka ahaa ee soo maray deegaanka kana gaabiyay horumar gaadhsiinta bulshada sida ka faaiidaysiga fursadaha dimoqraadiyadeed iyo guulaha ay xukumada maantu ka gaadhey ka jawaabista iyo ka warqabka baahiyaha shacabkeeda ilaa ardaaga Geela.

Dhanka kale shirkan ayaa lagu soo qaaday sidii dhamaan qurbajoogta iyo jaaliyaadka ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan holand sidii ay isaga diiwaangalin lahaayeen xubnana uga noqon lahaayeen ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya taasoo loo wada riyaaqay.