Shiinaha Oo Soosaaray Sharci Xaddidaya In Sigaarka Lagu Cabbo Goobaha Bulshada Kadhaxaysa.

Beijing(CN) Isniin.Dec.01.2014, golaha wakiilada ee magaalada Beijing ayaa soo saaray sharcigan oo ka mamnuucaya in sigaarka lagu cabbo goobaha max-shirka ah ama bulshada kadhaxaysa, islamarkaana u fasaxaya oo kaliya shaqsiga cabbaya gurigiisa oo kaliya balse uusan banaanka iyo dadwaynaha ku dhex cabbi karin.

Goobaha uu sharcigani xaddidayo in sigaarka lagu cabbo ayaa waxaa kamida goobaha dadwaynaha kadhaxeeya sida goobaha shaqada, boostajoyinka (stations), gaadiidka dadwaynaha iyo guud ahaanba meelaha bulshawaynta kadhaxeysa.

Sida ay sheegayso wakaalada wararka ee Shiinaha, sharcigan ayaa sidoo kale reebaya in lagu xaysiiyo sigaarka goobaha dadwaynaha iyo inlagu xaysiiyo sigaarka guud ahaanba warbaahinta.

Sharcigan ay Beijing soo saartay ayaa dhigaya in qofka lagu arko isagoo ku cabbaya goobahaas xaddidan in lagu ciqaabo lacag dhan 32 Dollarka maraykanka ah. Waxaana sharcigan si toos ah looga hirgalin doonaa Beijing laga bilaabo May ee soo socota.