Maalinta Ka Hortaga Iyo Ladagaalanka Cudurka HIV/AIDISKA Oo Si Balaadhan Looga Xusay Xarunta Deegaanka ee Jigjiga.

Jigjiga(CN) Isniin.Dec.01.2014, munaasibada xuska maalinta HIV AIDISKA ayaa waxaa maanta sanad guuradii 26 looga xusayaa dhamaan caalamka iyada oo sanadkasta la xuso 1 December.

Haddaba munaasaban oo si aad u qurux badan uu u soo  agaasimay xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDISKA ee DDSI oo ka dhacday maanta madasha shirarka ee Sayid MCX, Ayaa  Waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin mdaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka caafimaada DDSI mudane Dr Cumar Maxamed, wasiirada ka hortaga iyo xakamaynta HIV AIDISKA marwo Faadumo Cabdilaahi Takhal, masuuliyiin sare oo ka mid ah golaha wasiirada DDSI, culimo awdiinka, ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada Jigjiga, iyo marti sharaf kale.
Munaasabadan oo halku dhag looga dhigay "si aan qofna AIDISKA u qaadin ka qaadaana ugu dhiman looguna takoorin aan u guntano waajibaadka inaga saaran” ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay  madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan.

Wuxuuna si qoto dheer ugu nuux nuuxsatay madxwayne ku xigeenku ujeedooyinka loo aas aasay  xuska maalintan AIDISKA oo ah mid caalamiya iyo aafooyinka uu leeyahay cudurka dilaaga ah ee HIV AIDISKA isaga oo ka warbixiyay dadaalka dheer ee ay xukuumada deegaanka iyo dalkuba ugu jiraan la dagaalanka iyo dabar goynta cudurkan.

Sidoo kalena waxa uu si balaadhan uga warbixiyay heerka siyaabaha uu ku faafo cudurkani iyo sida lays kugu gud biyo taasi oo uu si mug leh ugu booriyay bulshada in ay dareen durugsan ka yeelato aafada cudurkan.
Dhankiisa waxaa ka hadlay isaguna wasiir ku xigeenka ka hortaga iyo xakamaynta HIV AISKA DDSI mudane Dr. Maxamuud Iimaan wuxuuna ka warbixiyay dadaalka dheer ee uu xafiiska iyo xukuumaduba ugu jirto la dagaalanka iyo xakamaynta cudurkan iyo fahanka balaadhan ee ay bulshada ka qaataday hada cudurkan.

Munaasabadan oo ahayd mid aad u qurux badan ayaa intii ay socotay waxa ay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI  ay bandhigayeen riwaayado iyo heeso ka turjimaysa aafooyinka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay cudurkani iyo siyaabaha looga hortagi karo.