Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya oo aas-aasay Faraca ururka dhalinyarada UHSI ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Isniin Dec-01-2014.Xukuumada maanta oo ka duulaysay Qorshayaasha iyo jihooyinkeeda Horumarineed ee ku aadan Kobaca dhaqaalaha ayaa 2bo sano ka hor aasaastay Ururka Horumarinta soomaalida Itoobiya si uu wax ugaga qabto horumarka aasaasiga ah ee bulshada iyadoona uu dalalka Dibada ku siifidayo laamo badan io xubno u diiwaangashana ku leeyahay iyadoona uu UHSI mudadii yarayd ee uu jiray kaalin muuqata ka qaatay Horumarka aasaasiga ah.

Ururka HSI ayaa shir uu u qabtay Dhalinyarada Deegaanka oo ah Cududa ugu muhiimsan ee khayraadka Deegaanka ku aasaasay faraca dhalinyarada ee UHSI,iyadoona dhalinyaradan ay ka qayb qaadan doonaan barnaamijyada Horumarineed ee uu wado ururku.

Faracan Dhalinyarada oo la shaqayn doona Xafiiska Guud ee UHSI ku leeyahay caasimada Deegaanka ee Jigjiga ayaa laga soo kala xulay ururada federeshinka dhalinyarada heer-deegaan,gobolka faafan iyo maamulka magaalada jigjiga,iyadoona ay Dhalinyaradu iska dhex doorteen gudoomiyaha gudiga boordhiga iyo gudoomiye kuxigenka Ururka dhalinyarada Horumarinta Soomaalida Itoobiya sidoo kalana 2 xubnood oo u matali doona 12ka xaafadood dhalinyarada.

Kulankan ayaa uu ka hadlay lataliyaha madaxweynaha dhinaca arimha Bulshada mudane Axmed cali geedi oo ku booriyay dhalinyaradan inay u tafa-xaytaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen taaba-galinta hadafka iyo himilooyinka ururka horumarinta soomaalida itoobiya ee ku qotoma gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar taaba-gal ah.

Sidoo kale Dr daahir maxamed oo kamid ah masuuliyiintii kasocotay ururka horumarinta soomaalida itoobiya ayaa tilmaamay in dhalinyaradani la as aasay ay ka qayb qaadan doonaan qorshe yaasha horumarined ee udajisan ururka horumarinta soomaalida itoobiya farxad gaarana ay utahay inay maanta ku aas aasan dhalinyaro Horumarineed madashan