Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xuska maalinta Naafada Aduunka ayaa Si Wayn Looga Xusay Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Arbaco Dec-03-2014.Dunida maanta ayaa sanad walba xusta Maalinta Naafada Aduunka kana mid ahayd in la daryeelo lana badhi-gantaalo naafada dhanka caafimadka,gargaarka,waxbarashada iyo shaqo abuurka taasoo xeerarkii geneva Convention lagu xusay. Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa uu xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI sanad kasta naafada deegaanka u sameeyaa Xuska maalinta naafada.

Xuskani ayaalagu qabtay gudaha Xafiiska Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada DDSI iyadoona ay ka soo qaybgaleen wasiirka xafiiska Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Koore,Shaqaalaha ka hawl gala xafiiska ee qaabilsan naafada,hay'adaha bahwadaagta iyo ururka Naafada DDSI oo ay maalintani ahayd maalin u gaar ah.

Furitaankii ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Xafiiska Shaqaalaha iyo arimaha bulshada mudane Axmed maxamed koore oo sheegay in dowlada Deegaanka soomaalida itoobiya ay mudnaan gaara siisay sidii Dadka naafada ah loogu fidin lahaa gargaar iyo taageero buuxda islamarkaana loo bari lahaa xirfado ay ku shaqaystaan si ay Horumarka deegaanka kaalintooda uga qaataan. Masuulka ayaa sidoo kale carabaabay in xafiisku uu mar walba iyo saacad kasta uu la garab taagan yahay dadaka naafada ah dhanka qalabka naafada,abuurida fursadaha shaqo, wacyigalinta,abaabulka iyo kobcinta garaadkooda Waxbarasho.

Dhankooda hogaaminta ururka Naafada ee kasoo qayb galay Munaasabadan ayaa sheegay inay Aad ugu faraxsan yihiin Taageerada aan kala Go'a lahayn ee ay ka helaan Xafiiska iyo xukumada guud .

Isku soo wada xooriyoo Munaasabadan ayaa intay socotay waxaa Abaal marino kala duwan la gudoon siiyay xubnaha kamida Dadka Naafadaa ee firfircoonida ka muujiyay dhanka is xil qaanka shaqada Ay samaysteen