Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Lagu Daahfuray Midaynta Dalada Shiradaha Daabacaada iyo xayaysiiska oo ka Dhacay Nogob Garden.

Jigjiga(CN) Arbaco Dec-03-2014.Si loo taabogaliyo nidaam iyo xidhiidh haboon oo ka dhex abuurma shirkada ha daabaca xogaha iyo macluumaadyada kala duduwan ee dalabka xafiisyada dawlada iyo laamaha kale ayaa lagama maarmaan loo arkay in loo abuuro hab ay ku bahoobaan Shirkadaha daabacaada ka hawlgala magaalda jigjiga si meesha looga saaro daabacaadaha la xidhiidha Been-abuurka(Forgery).

Hadaba maanta ayaa munaasabad lagu daahfuray Midawga Shirkada Wax daabaca iyo Xafiisyada Dawlada ee heer deegaan uu ka dhacay Qolka shirarka ee Nogob Hotel. Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Xidhiidhka Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Baashe Cabdi,Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha Mudane Axmed Shukri,Maareeyaha maamulka Magaalada Jigjiga Mudane C/kariin Cawil(fanax) iyo Mulkiilayaasha Shirkadaha ugu waawayn magaalada jigjiga.

Wasiir ku-xigeenka Xidhiidhka Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Furitaankii ka hadlay ayaa Tibaaxay in ay Muhiimad gaara u leedahay Midawga Shirkadaha Daabacaada ee ka hawlgala magaalada jigjiga Qorshayaasha kobaca dhaqaale iyo Maamulka suuban islamarkaana deegaanku leeyahay Shirkado Wax daabaca oo ay u dhamaystiran yihiin dhamaanba Mashiinada wax lagu daabaco nooc kasta oo loo baahdo taasoo lagaga maarmay safaradii loo sii gali jiray Harar,DD iyo addis-ababa.

Mudane Baashe ayaa carabka ku dhuftay in xafiisyada bahwadaagta la ah shirkadaha Dalada Daabacaada in ay ku gacn siiyaay Gudashada adeegyada Daabacaada iyo Xayaysiiska.

Maareeyaha Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa bogaadiyay midawga dalada Daabacaada Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markii 1aad laga aasaasa Deegaanka isqagoona balan qaaday in Maamulka Magaalada Jigjiga uu taageero buuxda siin doono Daladan.

Sidoo kale wasiir kuxigeenka Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha ayaa sheegay in ay Qiimo baladhan ugu fadhiyaan Xukuumada iyo Qorshayasheeda in la helo nidaam casri ah Dhanka Daabacada muuqaal iyo yidiilo horumar-kobac dhaqan dhaqaalana u tahay kulankan Midawga Daahfurka Dalada Daabacaada Deegaanka SI oo markii ugu horaysay DDSI laga yagleelo islamarkaana sheegay in Xafiiska HM&W Deegaanku dhigay qorshayaa lagu balaadhinayo Shirkadaha Daabacaada tibaaxayna in uu Xafiisku taageero la garab istaagi doono dalada Daabacaada DDSI.

Dhanka kale Gudoomiyaha Dalada mudane Maxamed C/waaxid ayaa ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee Midawga dalada uu ugu fadhiyo Guud ahaan Deegaanka iyo Qorshayaasha kobaca dhaqaale ee Dalka iyo Deegaankuba hiigsanayaan isagoona sharax gaaba ka bixiyay dhibaatooyinkii lagala kulmi jiray Daabacaada Deegaanka ilaa heer Degmo xiliyadii loo doonan jiray harar,Diredawa iyo Addis-ababa oo laga yaabo ayuu yidhi dhanka Luqada in khalad ka imaan jiray sababina jirtay masaafada iyo wakhtiga la sugi jiray awgeed in khaladkii lagu qaato lana isticmaalo.

Isku Soo wada Duuboo Shirkadaha Daabacaada ee ka jira Deegaanka ayaa ah kuwo daboolay dhamaanba Baahiyihii la xidhiidhay dhanka Daabacaada iyo Xayaysiiska islamarkaana aysan jirin sabab loogu baahdo in xafiisyada iyo hay'adahu ay ka soo daabacdaan goob ka baxsan Deegaanka taasoo haday dhacdo dhaawici karta dadaalka shirkadaha Daabacaada ee wadaniga ah.