Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Lagu Gorfaynayay Sii Xoojinta Xasiloonimada Iyo Wada Shaqaynta Hay’adaha Amniga ee Deegaanada Bariga Itoobiya oo Maanta Ka Dhacay Jigjiga.

Jigjiga(CN) Khamiis.Dec.04.2014, Kulankaasi oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiisha haayadaha amniga ee deegaanada bariga Itoobiya sida deegaanada Oromiya, ismaamulka magaalada Diridhaba, Hararida iyo deegaanka Soomalida itoobiya.

Kulankan kaasi oo ay hogaaminayeen masuuliyiin sare oo ka socoday hay’adaha amniga ee DDSI oo ay ka mid ahaayeen hogaan ku xigeenka arimaha nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Shurgi Badal, iyo ku xigeenka komoshineerka komishinka booliska DDSI mudane Maxamed Maxamuud Cabdilaahi (qayo) iyo waliba masuuliyiinta hay’adaha amniga ee deegaanadaasi sare ku xusan.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii karaar galinlahaa xasiloonida iyo wada shaqaynta hay’adaha amniga islamarkaana loo xakamayn lahaa dhibaatooyinka aafooyinka tahriibta iyo u diyaargarowga doorashooyinka fooda inagu soo haya ee ka dhici doona guud ahaanba dalka itoobiya. Waxaa kulankan ugu horayntii ka hadlay ku xigeenka hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Shugri badal.

Wuxuuna si durugsan uga warmay  hogaanku xigeenku ahmiyada uu kulankani leeyahay isaga oo sheegay in uu yahay mid bilkasta mar la qabto laguna qabto marba deegaan ayaa  bishana lagu qabtay xarunta deegaanka ee Jigjiga, wuxuuna sheegay in guud ahaanba deegaanka Soomalida Itoobiya ay xasilooni buuxdaa ka jirto balse uu kulankani yahay mid lagu sii xoojinayo wada shaqaynta hay'adaha aminga ee deegaanada si loo tir tiro isku socodka aafooyinka tahriibayaasha.

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii kulankaasi ku xigeenka komoshineerka komishinka booliska DDSI mudane Maxamed Maxamuud Cabdilaahi(qayo) isaga oo si qoto dheer uga hadlay sidii loo xakamayn lahaa loona tir tirilahaa isku socodka tahriibta iyo dhibaatooyinkiisa.

Kulankan oo socday maanta ayaa waxaa laysla qaatay qorshayaal iyo jihooyin lagu tir tirayo laguna joojinayo aafooyinka dhinaca tahriibta iyo sii xoojinta wada shaqaynta hay’adaha amaanka ee deegaanada bariga dalka Itoobiya.