Maxkamada guud ee shareecada islaamka oo Tababar Lagu Kobcinayo Tayaynta Adeeg-Bixinta Garsoorka iyo Saraynta Sharciga u Qabatay Garsoorayaasha iyo Shaqaalaha Taakulaynta.

Jigjiga(CN) Jimce Dec05,2014.Hay'adaha Sharciga iyo Garsoorka ee Deegaanka ka hawl gala ayaa sanadihii ugu danbeeyay lagu hawlanaa sidii kor loogu soo qaadi lahaa tayadooda waxbarasho iyo ku dhaqanka Saraynta sharciga si loo suurto galiyo garsoor cadaaladeed oo loo fidiyo Qaybaha shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyadoona garsoorayaasha maxkamadaha kor loo qaaday cadadka Mushaarkooda si ay beri uga noqdaan wax kastoo caqabad sharci daro ku noqon lahaa.

Hadaba Maxkamada Shareecada Islaamka DDSI oo mudo 2bo bilood ku dhaw lagu soo Qoray Gudoomiyaha Guud ee Maxkamada Shareecada islaamka Sheekh Nadiir Sayid Nuur ayaa durba laga daalacan karaa isbedelada dhanka Adeeg-bixinta,tayaynta Aqoonta iyo Xirfadaha Garsoorayaasha ee ka socda Xarunta Tababarada Garsoorayaasha Deegaanka.

Maalmahan ayaa waxaa ka socday xarunta tababarada Garsoorayaasha tababar lagu kobcinayay Aqoonta iyo macluumaadka la xidhiidha Sharciga,Dastuurka iyo Qorshayasha Gudoomiyaha guud ee Maxkamada Guud ee Shareecada islaamka DDSI Sheekh Nadiir Sayid Nuur oo xidhitaankii tababarkan ka hadlay ayaa tibaaxay in Maxkamada shareecadu ay dardar galinayso sidii ay adeegyada iyo Garsoorka cadaaladeed ee ay bulshada Deegaanka u hayaan u noqon lahaayeen kuwo sida ugu dhaqsaha badan loo fuliyo islamarkaana bulshadu hesho xaqsoor Cadli ah oo ka madax banaan eex,Musuq,qabyaalad IWM si loo muujiyo saraynta sharciga.

Sidoo kale wuxu carabka ku dhuftay in waxwayn laga badalay habsami usocodka hawlaha shaqo tasoo waxlaga badalay dhinaca macaamilka in ay saacado yar loogu dhamaynayo hawlaha shaqo ee kaga xidhan xafiiska jawaab dhamaystirana kaga heli doonan wakhti yar gudaheed.

Dhankooda garsoorayasha tababarkani qaatay aya cadeeyay in ay ka faideen waxyaabo badan oo u fududeeyay shaqooyinka ay bulshada u hayaan ayna aqoonta ay halkan ka kororsadeen ay bulshada Adeegyada ugu fulin doonaan sida ugu fudud

Tababarkani oo socday mudo shan cisho ah ayay kaqaybgalayashu ka barteen cashiro laxidhiidha hawlaha maxkamadu uqabato bulshada deegaanka