Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Masuuliyiinta Heer Deegaan ee Ku Hawlan Kormeerka iyo Qiimaynta Mashruca Waraabka iyo Dibudejinta Gobolka Sitti oo Ay Wehelinayeen Maamuladu Ayaa Kormeer ku Tegay Harawa.

Hadhagale(CN) Jimce Deg-05-2014. Qorshayaasha kobaca dhaqaale ee dalka u yaala ayaa laantisa MDG Horumarinta Qarniga ee laga hirgaliyay Deegaanka ay ka mid tahaybarnaamijka Horumarinta wabiyada iyo Dooxooyinka kaasoo loogaga faaiidaynayo Bulsada ku dhaqan deegaanka si ay uga faaiidaystaan mashaariicaha Waraabka iyo waxsoosaarka Beeraha iyadoona Xafiisyada waawayn Dhanka Horumarka ee DDSI ay Doorkooda ka qaadanayaan hawlaha Dibudejinta Qoysaska.

Hadaba masuuliyiin heer deegaan ah oo waayadan kormeer hawleed ku joogay Gobolka Sitti ayaa shalay socdaal hawleed ku tegay mashaariicaha waawayn ee Waraabka laga hirgaliyay Harawa iyadoona mashaariicahan loogu talogalay in loogaga faaiideeyo Qoysaska Dibudejinta.

Degmada Harawo ayaa laga Qoday Ceel-biyood kor u dhaafaya 60 islamarkaana loo diyaariyayDhul dhan 2000 oo Hectar waxsoosaarka Dalagyada Beeraha iyadoona ay garab socdaan Horumarka aasaasiga ah seda Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha,Laydhka iWM oo iyagana ay Xafiisyada Horumarka heer Deegaan ka hirgaliyeen.

Masuuliyiintan,Khabiirada Heer Federal iyo maamulka Degmada hadhagaale ayaa wada galay shir lagu qiimaynayay heerka ay marayaan Mashaariicaha Waraabka oo badankood la soo gabagabeeyay,Tirada matoorada Ceelasha biyaha la geeyay in ay yihiin kuwo daboolay baahidii jirtay iyo inkale.

Sidoo kale waxaa lagu lafaguray Goobaha loogu talogalay waraabka waxsoosaarka beeraha si loo hawlgaliyo iyadoona uu Maamulka hadhagaale sheegay in Goobaha ay ka midka yihiin Block 5 iyo 9 ay gabi ahaanba u diyaarsan yihiin ka faaiidaysigoodii.

kulankan ayaa ay masuuliyiintu ku soo saareen Jadwal iyo Qorshe shaqo oo dhamaanba loogu kuurgalayo qiimaynta heerka waxqabadka xafiisyada Horumarka heer Deegaan, shirkadihii iyo wakaaladihii ka kala socday DDSI iyo DFI sida ay uga soo dhalaaleen Shaqooyinkii iyo mashaariicihii laga sugayay hirgalintooda iyadoona la go'aansaday in maalinta Talaadada ama Arbacada fooda inagu soo haysa in la isugu wada yimaado kulan balaadhan oo Qiimayn ah Xarunta Gobolka Sitti ee Magaalada Shiniile.