Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudoomiyaha Degmada Hudet oo ka Warbixiyay Heerarka ay Marayaan Mashaariicaha Degmada u Qorshaysnaa Sanadkan 2007.

Hudet(CN) Sabto Dec-06-2014.Gudoomiyaha degmada Hudet mudane Axmed Ibraahin Xuseen oo xafiiskiisa ugu waramayay wariyaha shabakada cakaaranews uga soo warama gobolka liibaan ayaa ka warbixiyay heerarka ay marayaan mashaariicihii kala duwanaa ee u qorshaysnaa maamulka degmada Hudet siiba Mashruuca Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka.

Haddaba waxa uu gudoomiyuhu ugu horayntii wariyahay uga waramay tababarkii hogaaminta dhexe ee XDSHSI oo hadda loo soo gabagabeeyay hogaaminta degmada Hudet. tababarkaasi oo muddo 4 maal’mood ah ka socday xarunta degmada Hudet ayaa waxa uu sheegay in ay hogaaminta degmadu ku qaadanayeen cashiro kor loogu qaadayo garoodkooda siyaasadeed kaasi oo ay xukuumadu u qaadatay ayuu yidhi in la gaadhsiiyo ilaa heer tuulo.

Waxaa kale oo uu wariyuhu waydiiyay bal in uu ka warbixiyo heerka ay marayaan mashaariicihii u qorshaysnaa degmada sanadkan wuxuuna ku siwaabay” sidaan wada ogsoonahay waxa noo qorshaysnaa in aan mashaariicaha sanadkan ku soo gabagabayno wakhti kooban maadaama oo ay doorshadii qaranku fooda inagu soo hayso sidaasi darteed waxaan 100%90 maraya dhaman mashaariicihii noo qorshaysnaa sida dib u dajinta, biyo ururinta iyo mashaaricihii kale oo ku qotomay dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha kuwaasi oo dhamaantood aan dhawaan soo gabagabayn doono ayuu yidhi”.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu si Qoto-dheer uga warbixiyay qorshaha xukuumada ee ku wajahan Mashruuca Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka ee dhinaca dib u dajinta oo loogaga faaiidaynayo Qoysaska Gobolka Liibaan maadaama oo ay degmada Hudat ka mid tahay degmooyinka sida xawliga ah uu uga hirgalay barnaamijka dajintu.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay sanadkan u qorshaysnayd in ay dajiyaan qoysas dhan 300 oo qays kuwaasoo lagu guulastay in la dajiyo kana faa’iidaysanaya wakhti xaadirkan barnaajidkan oo xooga saaraya sidii loo yarayn lahaa Cunto yarida loogana xoroobi lahaa saboolnimada. Qoysaskan oo markii hore ahaa reer guuraa ayaa loo badalay xoolo-dhaqato beeralay kuwaasi oo helay Dhamaanba adeegyada aasaasiga ah iy taakulada Dawlada sida wax barasho tayo leh, caafimaad,Biyo iyo Dhul-beereed wax-soosaar dhinaca beeraha ah iyadoona uu barnaamijkana dib u dajintu qayb wayn ka yahay qorshayaasha ugu dhumucda wayn ee ay xukuumada DDSI iyo JDFI u dajiyeen in lagaga baxo saboolnimada korna loogu qaado kobaca dhaqaalaha wadanka.

Wuxuuna gudoomiyuhu ugu danbayntii ka warbixiyay in si buuxda ay degmadu ugu guulaysatay in ay sidii loogu tala galay ama qorshuhu ahaa loo hirgaliyay mashaariicihii kala duwanaa ee degmada Hudet.