Madaxda Sare Ee Federaalka, Deegaanada Iyo Wufuudii Kaqayb Galaysay Xuska 9aad Ee Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya Oo Caawa Munaasibad Qaran Kuyeeshay Barxad Wayn oo Dusha Biyo-xidheenka Abbay Ah.

Guba-Biyoxidheenka Abbay(CN) Sabti. Dec.06.2014, Deegaanka lagu qabanayo xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya ee Benshangulka ayaa waxaa kuyaala mashruuca wayn ee quwada korontada ee Biyo-xidheenka dib u curashada ee wabiga Abbaay, gaar ahaan waxa uu mashruucu kuyaalo waa degmada Guba ee deegaankaasi oo ah halka ay tan iyo shalay kusugan yihiin madax badan oo federaalka iyo deegaankaba ah.

Sida aad wararkayagii hore kalasocoteen Shabakada CakaaraNews waxaa goobtaasi uu mashruucu kasocdo shalay gaadhay madax sare oo ay kamid ahaayeen madaxda DDSI kuwaas oo ay kamid ahaayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxwayne kuxigeenka mudane C/xakiim Cigaal Cumar iyo Gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

Hadaba waxaa caawa kadhacday barxad wayn oo kutaala dusha dhismayaasha biyo xidheenka, munaasibad balaadhan oo lagu xusayay sanadguurada 20aad ee maalintii la ansixiyay dastuurka dalka iyo xuska 9aad ee maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo isniintan kadhici doonta magaalada Assosa ee deegaanka Benshangulka.

Munaasibadan oo si toos ah uga socotay warbaahinta kala duwan ee dalka ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxwaynaha JDFI Dr Mulatu Tashome, Raysulwasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokonin, afhayeenka golaha federeshinka ee JDFI mudane Kasa T/birhan, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayanaha Benshangulka muadane Axmed Naasir, madaxwaynayaasha kale ee deegaanda, Wasiirka biyaha iyo tamarta ee JDFI mudane Alemayu Tagenu, masuuliyiin sare oo federaal iyo deeganada ah iyo waftiyo kasocday dawlada Sudan, warbaahinta, hobalada fanka iyo dhaqanka iyo marti sharaf badan oo halkaas isugu yimid.
Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay munaasibada ayaa sheegay in ay ka go'antahay in ladhamaystirayo mashruucan aadka u wayn isagoo carabka ku adkeeyay si dhiiranaan leh " Sida aan u bilawnay ayaan u dhamaystiraynaa" oo uu ula jeeday dadaalkii lagu bilaabay mashruucan ayaan si hagar la'aan ah ugu dhamaystiraynaa Abbaay.

Madaxda ayaa aad uga hadashay dareenkooda iyo ahmiyada uu leeyahay mashruuca Abbaay oo bariga Afrika isbadal horumar oo wayn ugu fadhiya iyo guud ahaanba Afrika.

Maareeyaha guud ee mashruuca biyo xidheenkan wayn Eng. Simanyaw Baqale ayaa isaguna sharaxaad dheer iyo
fahan buuxa kasiiyay martidii heerka iyo guulaha lagaadhay ee mashruuca.

Xuska 9aad ee maainta qoomyadaha Itoobiya ee Assosa ayaa wuxuu kuwii hore kaga duwanyahay in deegaankaasi uu kuyaalo biyo xidheenkii waynaa ee dib ucurashada Itoobiya ee wabiga Abbaay, kaasoo qoomiyadaha reer Itoobiya qiimo wayn oo isbadal iyo lahaanshahaba ugu fadhiya.