Kulan Lagu Gorfaynayay Sii Xoojinta iyo karaar Galinta Xidhiidhka Wanaagsan ee ka Dhexeeya Wadamada Itoobiya iyo Jermany oo uu Ka Qaybgalay Raysil Wasaaraha JDFI iyo Wafti Wehelinayay oo Ka Dhacay Xarunta Wadanka Germany ee Barliin.

Germany(CN) Axad Dec-07-2014. Waxaa ka Dhacay Kulan heer Caalami ah Cariga jarmalka oo uu ka qaybgalay Raysal-wasaaraha JDFI mudane Haile-Mariam Desalegn oo booqasho ku jooga Wadanka Germany.

Kulankaasi ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay jaaliyada DDSI ee jarmalkuna kaalin xoogan ka qaateen iskudubaridkiisa iyadoona kulankan ujeedadiisuna ahayd sii xoojinta iyo karaar galinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada wadan Waa Itoobiya iyo Jarmalkee.

Shiran ayaa waxaa ka soo qaybgaleen Dhanka JDFI Raysal-wasaaraha dalka iyo Wafti balaadhan oo wehelinayay mudane Haile-Mariam Desalegn, wasiirka Arrimaha dibadda JDFI Dr Tadiroos, wasiir ku xigeenka Maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI Mr Ahmed Shide, wasiirka gaadidka iyo Isgaarsiinta,iyo Genaral Taferre, iyo safiirka dawladda Ethiopia u fadhiya Berlin Ampassador Fisaha.

Dhinaca dawladda Jermalka waxaa shirka uga soo qaybgalay Madaxwaynihii hore ee Jarmalka Mr Horst Kühler,wasiirka xidhiidhka iyo iskaashiga caalamiga, Roktorka Jaamacadda Hamburg iyo xildhibaanno katirsan Parlamaanka Jarmalka. Waxaa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay jahliyada wadanka itoobiya ee ku dhaqan wadanka garmalka oo ay si wayn uga dhex muuqdeen jaahliyada DDSI ee ku dhaqan wadanka Germany oo kulankaasi kaalin mug leh ka qaatay. Kullanka waxaa waxaa ugu horayntii furitaankiisii ka hadaly Safiirka Ethiopia u fadhiya garmalka Ampassodor Faseha isagoo hadaladiisa ku billabay salaan iyo soo dhawayn.isagoo warbxin kooban ka soo jeediyay heerka uu marayo xidhiidhka wanaagsan ee labada wadan.

intaaskadib waxaa Micrafoonka lagu soo dhaweeyay Rasisulwasaare JDFI Mr Haylamariam Dasalayn oo ugu horrayntii aad igu mahad celiyay dawladda Jarmalka iyo jahliyada dawanka itoobiya ee ku dhaqan dalka jarmalka . Mr Dasalayn ayaa sheegay in Jamalka iyo Ethiopia uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo dhinacwalba walba leh Jarmalkuna uu ka mid yahay dawladaha aduunka ugu horreeya dhinaca Tiknolajiyadda (Technology) wax badan uu wadanka itoobiya kaga dayan karo.

Isaga oo Raysi wasaaruhu sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu yidhi” xidhiidhka aan la leenahay dawladda jarmalka waan sii xoojinaynaa annogoo iswaydaarsanaynna fikradaha ku saabsan xagga horumarka, Nabadgalyada. Cimiladadeganka (Enviroment) iwm.

Waxa isaguna kulankaas dhiniciisa ka hadlay madaxwaynihii hore ee jarmalka Mr Horst Köhler oo u mahad celiyay madaxda dawladda Ethiopia sida wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan barnaamijka ladagaallanka Saboolnida iyo jahliga kor uqaadida koboca dhaqaalaha isogoo sheegay in dawladdu shantii sano ee la soo dhaafay ay wax wayn ka qabatay Cunna yaraanta ama Saboolnida iyada oo ay dawladdu samaysay xirfado badan oo shaqo loogu abuuray dadka iyagu danyarta ah si wanaagsanna looga faa’iidaystay.

Mar uu ka hadlaayay Mr Köhler guud ahaan geeska afrika wax uu sheegay in Dawladda Ethiopia ay muunad ku dayasho leh u tahay guud ahaanba wadamad Africa gaar ahaan wax ka qabadka dhinaca nabadgalyada, Horumaraka dhaqaalaha, Wuxuuna sheegay in uu wadanka itoobiya yahay wadan lagu soo hiranayo isaga oo ku booriyay maalgabeenada wadanka jarmalku in ay kordhiyaan maalgashiga ay ku samaysanayaan dalka Ethiopia waayo ayuu yiri waa dal la isku halayn Karo nabadgalyadiisa khayraad farabadanna illahay ku manaystay dhaqaalihiisuna uu yahay mid xawli u koraya.

Dhinaca jaahliyada DDSI waxa ugu halday kulankaasi G/kuxigeenka jahliyada DDSI madane Cabdirashiid Shuqul oo si qoto dheer uga warbixiyay qaabka ay jaaliyaddu u shaqayso iyo xidhiika ay la leedahay DDSI iyo dawladda federalka. wuxuuna gudoomiye ku xigeenka ku nuux nuuxsatay guulaha waawayn iyo isbedelada Horumarineed ee guud ahaanba dalka itoobiya soo hooyay gaar ahaana xukuumada DDSI guulaha ay sanadihii ugu danbeeyay ka soo hoysay dhinacyada nabadgalyada ,hormarka, maamulka suuban iyo xihdiidhka qurba joogta u dhalatay deegaanka.

Wuxuuna Raysal-wasaaruhu hoosta ka xariiqay in ay jahliyada DDSI ee wadanka jarmalku siwayn uga maragkacayso wax-qabadkaasi balaadhan ee ka hirgalay DDSI haddii ay tahay dhanka xidhiidhka jahliyada wadanka Jarmalkuna si mug leh uga qayb qaadanayaan sii xoojinta iyo dar dargalinka meel marinta hiigsiga hayaanka hirgalinta qorshayaasha horumarineed.