Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI oo Kaashanaya Wasaarada Dalxiiska JDFI Ayaa Tababar Kor u Qaadida iyo Diiwaangalinta Goobaha Dalxiiska DDSI u Qabatay Hawl-wadeenada Xafiiska iyo Mulkiilayaasha Hotelada.

Jigjiga(CN) Talaado Dec-09-204. Xafiiska xidhiidhka arimaha dawlad dhaqanka iyo dalxiisk DDSI ayaa bilihii ugu danbeeyay qaaday dadaalo xoogan oo lagaga midho dhalinayo meel marinta iyo hirgalin dhamaystirka qorshayaasha horumarineed iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka xafiis ahaan doorka ay ku leeyihiin.wuxuuna xafiisku Dejistay Qorshe kor loogu qaadayo Dalxiiska iyo Dhaqanka taasoo xafiisku bilihii ugu danbeeyay bilaabay darasaadka iyo soo ururinta goobaha taariikhiga ah,Ataarta,Agab-dhaqameedka iyo goobaha dalxiiska ee uu deegaankeenu hodanka ku yahay kaasoo in badan ka ka qorsoonaa bulshada deegaanka.

Xafiiska ayaa Bishii ugu danbaysay ku hawlanaa kor uqadida soo jiidashada Hoteelada dhinaca dalxiisayaasha iyo Shirkadaha Socdaalka(Tour Agency) islamarkaana shirar iyo kulamo kala duduwan la yeeshay ayaa loo sameeyay Nidaam maamul oo Hotelada lagula socon karo sidoo kalana Shirkadaha Socdaalada oo iyagana hal urur lagu mideeyay.

Hadaba waxaa ka dhacay maanta huteelka ilaays ee magaalada Jigjiga kulan lagu qorfaynayay sidii loo diwaan galin lahaa goobaha dalxiiska ee uu deegaankeenu hodanka ku yahay islamarkaana looga faa’iidaysan lahaa goobahaasi taariikhiga ah ee ku haboon dalxiiska loogana soo xerayn lahaa dakhli kaalin muuqata ka qaata kobaca dhaqaale. sidoo kale waxaa kulankaasi lagu falanqeeyay sidii loo sii dar dargalin lahaa tayaa adeeg-bixinta huteelada magaalada jigjiga ay u noqon lahaayeen kuwa si wayn u soo jiita indhaha dalxiisayaasha oo casriya una isticmaali lahaayeen Websiteyada in ay xogaha hotelada ku faafiyaan.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane baashe cabdi ismaaciil, agaasinada xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI, khuburo ku xeel dheer arimaha dalxiiska oo ka socday wasaarada dasxiiska iyo Dhaqanka JDFI iyo waliba mulkiilayaasha huteelada ku yaala caasimada degaanka ee Jigjiga. Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudan Baashe Cabdi ismaaciil wuxuuna ka warbixiyya ahmiyada uu tababarkani u leeyahay horumarinta dhinaca dalxiiska deegaanka si loo suurto galiyo muuqaal iyo Goobo soo jiidan kara dalxiisayaasha.

Wuxuuna wasiir ku xigeenku si qoto dheer ugu nuux nuuxaday in uu deegaankeenu yahay mid ILAHAY ku manaystay goobo ku haboon dalxiiska oo isugu jira seerooyinka Ugaadha,Goobaha taariikhiga ah,waxyaabaha mucjisoyinka ah iyo ilaha khayraadka kuwaasoo soo jiidan kara indhaha dalxiisayaasha caalamka.

Isaga oo wasiirku xigeenku sheegay in kulankan lagu gorfayndoona sidii loo kor loogu qaadilahaa goobaha dalxiiska deeegaanka. Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka ka warbixiyay qorshaha ku ku wajahan sii xoojinta iyo kor u qaadida huteelada ku yaala caasimada deegaanka ee jigjiga sidii ay u noqon lahaayeen kuwa la jaan qaan qaadaya huteelada caalamka ku yaala si ay u noqdaan ayuu yidhi wasiir ku xigeenka kuwo si mug leh u soo jeeda indhaha dalxiisayaasha.

Tababarkan oo maalin socday ayaa ay Casharo iyo macaluumaad la xidhiidhay Daraasaadka Goobaha Dalxiiska Deegaanka iyo soo ururintooda Diiwaanka dalka ka bixinayay Khuburo ka socotay Xafiiska Dhaqanka iyo dalxiiska JDFI iyadoona aad loogu lafaguray kor uqaadida iyo nidaaminta goobaha dalxiiska DDSI iyagoona khuburadani ay tababar noocan oo kale ah siin doonaan $ta Maamul Magaalo ee DDSI.