Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Madaxtooyada DDSI Oo Maanta Xafiiskeeda Ku Qaabishay Qurba Joog U Dhalatay Deegaanka Gaar Ahaan Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay.

Jigjiga(CN) Arbaca.Dec.10.2014, madaxwayne ku xigeenka  ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  ayaa maanta waxay xafiiskeeda ku qaabishay qurba joog u dhalatay deegaanka kana soo jeeda degmada Shilaabo ee gobola Qoraxay.

Qurba joogtan oo dhawaan soo gaadhay deegaanka kana soo kicitimay wadamad maraykanka yurub iyo wadamo ka mid ah qaarada Africa ayaa waxa sucdaaloodu ku qotomaa in ay maalgashi balaadhan ka sameeyaan deegaankooda.

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI ayaa ay kulankan kula wehelinayeen dhanka, xukuumada wasiirku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Cabdikuus Cabdilaahi, wasiirka qurba joogta DDSI mudane Cabdibari Maxamed Macalin iyo wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudane Cabdi Khaliif (dhoonbe).

Waxaana kugu horayntii kulankaasi ka hadashay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo sucaad ahmed faarax  waxayna madaxwaye ku xigeenku si heer sare ah ugu soo dhawaysay qurba joogtan deegaankooda hooyo ka. dibna waxay uga xogwarantay qurba joogtan isbadaladii iyo soonyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soo maray iyo hadda heerka uu taagan yahay.

Waxayna madaxwayne ku xigeenku sharax dheer ka siisay qurba joogtan Heerka Waxqabadka Xukuumadu  gaadhsiisan tahay Dhanka Horumarka, N/galyada iyo Maamulka Suuban.

Sidoo kale waxay madaxwayne ku xigeenka ka hadlayay Dhinaca maalgashiga Deegaanka waxayna tidhi xumuumadu  waxay mar kasta diyaar u tahay soo dhawaynta Qurbajoogta u dhalatay deegaanka ee maalgashiga ka samaysanaysa deegaanka  iyo cid kastoo danaynaysa in ay maalgashato deegaanka iyadoona qurbajoogta ka soo jeeda 9ka gobol ee uu deegaanku ka kooban yahay looga fadhiyo ka qaybqaadashada doorka kaga aadan Horumarka iyo Maalgashiga  balaadhan ee ka jira deegaanka.

Qurba joogtan  oo ka hadashay kulankaasi ayaa siwayn ugu mahad celiyya xukuumada deegaanka sida qalbiga furan ee ay u soo dhaweeyeen deegaankooda islamarkaana wadar ahaantood ka marag kacay isbedelada Horumarineed iyo Kobaca Dhaqaale ee ay xukuumada DDSI afartii sane ee ugu danbeeyay ku talaabsatay waxayna sheegeen in ay hadda qurba joogtani u socdaal sidii ay xukuumada ugu qab qaadan lahaayeen horumarkan xawliga ku socda iyaga oo hoosta ka xariiqay in ay hadda u socdaan  sidii ay  deegaanka u maalgashan lahaayeen.

Qurba joogtan u dhalatay deegaank ee gaar ahaan degmada shilaabo ee gobolka qaraxay oo maalmahan ku sugaa xarunta deegaanka ayaa waxay la filayaa in ay maalmaha soo socda booqasho indho indhayn ah ku tagaan gobolka qoraxay gaar ahaan degmada Shilaabo.