Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Uhuru Kenyatta: Itoobiya Waxaan Kabaranaynaa Khibradaha Wanaagasan Sidii Argagixisada Iyo Nabadiidka Loo Fashilin lahaa.

Nairobi(CN) Arbaco.Dec.10.2014, madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay Itoobiya kaga dayanayso kudayashooyinka wanaagsan si loo fashilayo dagaalka Alshabaab iyo iskudayga falalka argagixisimo.

Madaxwayanaha ayaa wakhti ay wada joogeen oo uu sagootinayay amabasadorka dalka Itoobiya mudane Shamsudiin Axmed ayuu sheegay in aya labada dal ee Kenya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis kor u qaadaya in ay doorkooda ka qaataan shacabka dagan xuduudaha labada dal ilaalinta hawlaha nabadgalyada iyo kahortaga nabadiidka iyo argagixisada.

Wuxuu sheegay mudane Uhuru Kenyatta in ay dawladiisu ay qaadatay go'aan cad oo si adag uga hortagi doona falalka argagixisada islamarkaana Itoobiya laga qaadanayo kuadayasho mudan gaar ahaan ilaalinta xasiloonida iyo hawlaha aminiga.

Dhanka kale Amabassador Shamsudiin oo sheegay in uu aad uga xunyahay falkii foosha xumaa ee ay dhawaanta ka gaysatay Manadhera kooxda argagixisa Alshabaab ee ay ku laysay dadka shacabka Kenya ayaa u xaqiijiyay in Itoobiya ay si adag uga lashaqayn doonto dhankeeda sidii looga tirtiri lahaa Alqushaash falalka foosha xun ee ay ka gaysato Kenya.

Sidoo kale waxaa uu heshiiskani fursad balaadhan siin doonaa sidii ay bulshada xaduuduhu kaalin laxaad leh uga qaadan lahayd ilaalinta amniga iyo fashilinta argagixisada iyo nabadiidka.