Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Cunoqabteynta oo Russia Sii Dhaawaceysa

Moscow(CN) Arbaco Dec-10-2014. Ra'iisul wasaaraha Russia, Dmitriy Medvedev, ayaa ku booriyay dadka Ruushka inaysan ka nixin hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta wadanka.

Wareysi toos ah oo ka baxayay dhowr Tv oo Moscow ku yaala ayuu ku shegay in qof waliba oo la siiyay lacagta Rouble-ka uu xanuun dareemay . Wuxuuna ku dhiiri-geliyay dadka inaysan lacagtooda u badalan dollar ama euro isagoo tilmaamayay qaladaadkii la sameeyay lix sano ka hor qiima dhicii lacageed ee dalka ku yimid.

Medvedev waxa uu sheegay in cunoqabateynta reer galbeedka ay dhaawaceyso dhaqaalaha Russia, balse wuxuuna sidoo kale sheegay in yaguna ay dhawacayaan galbeedka.