Golaha Fulinta Xukuumada oo Maanta yeeshay Kulankoodii 7aad iyo Madaxwaynaha DDSI oo Si Xeeldheer Uga Faalooday Dardar-galinta Mashaariicaha Horumarineed ee Qorshaha Sanadka 2007.T.T.I.

Jigjiga(CN) Axad Dec13-2014. Waxaa Hubaala in nidaamka hogaamineed ee xukuumada maantu kaga najaxday taabogalinta Horumarka, Maamulka Saxar-tiran, N/galyada iyo Xidhiidhka ay udub-dhexaad u yihiin Cad-cadaanta (Transparency), Isla-xisaabtanka, Gudi ku shaqaynta (Team-Work), Isxilqaanka (Commitment)iyo Fagaarayaasha Wadatashi ee Qaybaha Bulshada Dal iyo Dibadba kuwaasoo dhamaantood iyo kuwo kalaba ay xudun u yihiin Isbedelada Baaxada wayn ee ka hanoqaaday Guud ahaan DDSI.

Hadaba Maanta ayaa uu Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Kulankii 7aad ee Sanad-miisaaniyadeedka 2007 kula yeeshay hoolka shirarka ee golaha capinetka DDSI dhamaanba masuuliyiinta Fulinta. Wariyaha aalaaba nooga soo warama madaxtooyada ayaasheegay in kulanka maantu ku saabsanaa karaar-galinta ama dardargalinta ka midho dhalinta dhamaan Qorshayaasha mashaariicaha horumarineed ee Xukuumada u yaala sanadkan,Dhamaystirka bilaha sanadkan ka dhiman Qorshihii Kobaca dhaqaale ee 5ta Sano ahaa iyo ka midhodhalinta waxqabadka mashaariicaha MDG ee ka socda Deegaanka.

Kulankan oo ka dhacay madasha shirarka ee xafiiska madaxwaynaha DDSI ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar wuxuuna sheegay in ay kulankan horyaalaan Golaha Fulinta anjandayaal door ah, oo ku qotomay dar-dargalinta iyo dhamaystirka mashaariicaha horumarineed ee sanadkan iyo Kuwa Horumarinta Qarniga MDG.

Wuxuuna madaxwaynuhu si mug leh u tilmaamay meel marinta Qorshayaasha.Siiyaalada Isbedel-horumar-dhaqan dhaqaale iyo himilooyinka qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumadu hiigsanayso sanadkan,sanadka xiga iyo kuwa soo socdaba, wuxuuna madaxwaynuhu ka warbixiyay qorshayaashii Waxqabadka sanadkan ee dhinaca horumarka,Kobaca dhaqan-dhaqaale iyo Nabadgalyada kuwaasoo isugu jira kuwa la soo gabagabeeyay iyo kuwa hadda la soo gabagabaynayo loona baahan yahay in wakhti xaadirkan siiba Rubac kasta la sii dar dargaliyo qorshayaasha horumarineed ee socda laguna so gabagabeeyo wakhtigii loogu tala gaalay si looga marag kaco taabogalinta iyo diyaargarawga Qorshaha waxqabadka sanadka 2008..

Kulankan ayaa intii uu socday si qoto dheer loogu gorfeeyay sidii ay wasaaradaha iyo wakaaladaha gacanta ku haya mashaariicaha horumarineed in ay ku soo gabagabeeyaan wakhtigii loogu tala galay si loo guda galo hirgalinta mashaariicaha sanadka soo socda