Xuska 9aad eeMaalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta oo Wadar ahaan ay Qowmiyaduhu ugu Wada Xuseen wadanka Belgiumka Caasimadiisa Bruzells.

Brussels(CN) Axad-Dec-14-2014.Waxaa ka dhacay Bruzels caasimada Belgiumka shirwayne lagu xusayay maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta itoobiya taasoo ay u dhanaayeen dhamaanba Qowmiyadaha,safaarada DFI,Diplomasiyiin,Jaaliyadaha iyo Qowmiyadaha waxaana Ugu horeyn waxaa xuska furey safiirka yurub iyo benelux ufadhiya dowlada Ethiopia mudane Tashome tocha isagoo ugu hanbaliyeey dabaaldaga xuska 9aad ee qoomiyadaha kasoo ka dhacay sanadkan degaanka benshangul asagaoo ku hadlaya magaca xukuma iyo kii safaaradaba.

sidoo kale waxu ka hadlay hormarka ethiopia ka socdo maanta inuu yahay mid heerkisa sareeyo diaporahana loo bahanayahay inay ka qayb qataan maadaama ethiopia siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaanba ay ku jirto wadamada afrika ugu horeyo.

Wxaa Sidoo kale kulan waxa si balaadhan uga soo qaybgashay jaaliyadda soomalid itoobiya iyaga oo ka mid ahaa horumuudka qowmiyadaha itoobiya iyaga oo si gaar loogu soo dhaweeyay maslax hadal iyaga si wayn ugu amaanay dawlada fadaraalka ethiopia horumarka iyi sinaanta qowmiyadaha ay ku talaabsada mid cadaalada ba Waxa hadal kooban kasoo jeediyay gudoomiyaasha jaaliydaha qowmiyadaha wadanka belguim iyo holland ka shaqeeya kuwaaasoo ay ka mid ahaayeen.

Gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee Cariga Holand mudane axmed mukhtaar oo ugu horayn Codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay ayaa waxaa uu sharax cad ka bixiyay marxaladihii talisyadii cadaadisku ka talin jireen hagardaamooyinkii iyo dibudhicii ku habsaday guud qowmiyadaha gaar ahaana qowmiyada soomaalida itoobiya isagoona itoobiyada cusub ku ammanay horumarka,Aqoonsiga xuquuqaha,sinaanta,cadaalada,Xoriyada ismaamulka,kobcinta dhaqanka iyo luqada ay siisay Guud ahaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaana soomalida itoobiya.

Dhanka kale Maxamed Mukhtaar ayaa aad oogu dheraaday waxqabadka xukumada DDSI ee maanta majaraha hogaamineed ee DDSI haysa.Guulaha XDSHSI iyo xisbiga talada dalka haya ee EPRDF oo suurtogaliyay Itoobiyada Cusub iyo axdi-qarameedka sugay dhamaanba xuquuqaha Qowmiyadaha sidoo kale waxuu gudoomiyaha ka hadlay in maalintan ay tahay maalin shucuubta itoobiya ku weyn tasoo ah inay qoomiyad kasto hesho samigeda ay luqadooda waxkubartaan iyagana ismaamulaan iyadoo nidaamkan qoomiyadaha un laga dhexlay isjaceyl, is ixtiraam, iyo midnimada Ethiopia.

Dhankiisa gudoomiyaha jaaliyada ddsi ee belgum dr cabdulaahi ayaa isaguna ururka EPRDF ku ammaanay sida hagran la ‘aanta ah oo ay soomalida itoobiya ugu suurtogaliyeen in ay helaan xaqoodii qarniyada badan ka maqnaa iyo waliba sida cadaalada ku dheehantahay ee soomalida itoobiya loo siiyay mudnaanta ayna ka helin xukumadihii hore wadanka soomaray, iyadoo dhamaan qowmiyadihii kale ay la dheceen qudubadaha labada gudoomiye safaaraduna si gaar ayay soomalida itoobiya ugu mahadcelisay sida wanaagsan ee ay safaarada ugu xiran yihiin.Warka ayaa intaa ku daraya in uu khadka Telka kagala qayb galay kuxigeenka Wakaalada Qurbajoogta DDSI mudane Cabdi Khaliif Buraale(Dhoombe).

Waxaa Xusid mudan in Sidoo kale goobta ay ka dhacday yabooho ganacsi anba tartan ganacsi qofkii ugu hor yaboohay waxa uu kasoo jeeday ddsi iyadoo aaad u faraxadgalisay dhamaan qowmiyadaha kale ee itoobiya. daawo sawirad