Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Jarmalka Oo Si Balaadhan Ugu Dabaaldagay Xuskii 9aad Ee Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya.

Frankfurt(CN) Axad.Dec.14.2014, Jaaliyada DDSI ee wadanka Germany ayaa shalay magaalada Frankfurt si balaadhan ugu dabaal dagay xuska 9aad ee maalinta shucuubaha iyo qoomiyaadka Itoobiya ee 29-ka Hidhaar ee sanadkan 2007 tirsiga taariikhda dalka.

Masuuliyiinta jaaliyada iyo qunsiliyada oo ay ugu horeeyaan gudoomiyaha jaaaliyada DDSI ee Jarmalka mudane Cabdirashiid Shariif, gudoomiye kuxigeenka jaaliyada DDSI mudane Cabdirashiid Shuqul, kusimaha qunsiliyada Mr Girma iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee gudiga jaaliyada DDSI ee wadankaas Germany ayaa kudhannaa munaasibadan lagu maamuusayay maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo ahmiyad wayn u leh dhamaan dadwaynaha Itoobiya meelkasta oo ay joogaan.
Munaasibadan oo ay siwada jir ah usoo agaasimeen jaaliyada DDSI iyo qunsilyada Itoobiya ee wadankaas Jermalka ayaa si balaadhan loogu dabaal dagay xuska 9aad ee maalinta qoomiyadaha Itoobiya, halkaas oo ay jaaliyadu kusoo bandhigeen ahmiyada midnimda iyo sinaanta qoomiyadaha iyo shucuubaha reer Itoobiya, taageerada DDSI, guubaabo iyo hidaha iyo dhaqanka.

Jaaliyada oo iyadu iskeed isu soo abaabushay islamarkaana kala qaybqaatay qunsiliyada ayaa halkaasi kasoo jeediyay hadalo iyo go'aamo ay ku taageerayaan midnimada Itoobiya iyo isbadalka taariikhiga ah ee lahelay 20-kii sano ee u danbaysay kaasoo uu u horseeday dastuurka Itoobiya ee mideeyay shucuubta iyo qoomiyadaha Itoobiya. Jaaliyadu waxaa kale oo ay ku nuux nuuxsatay isbadalka iyo horumarka kacurtay DDSI, taas ay sheegeen in soo dhawn iyo taageero hagar la'aan ah ay lagarab taaganyihiin shacabka iyo xukuumada DDSI.

Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Cabdirashiid Shariif oo kahadlay munaasibada ayaa kawarbixiyay qiimaha maalinta qoomiyadaha ee Hidhaar 29 oo ah maalintii la aas aasay dastuurka dalka ee u horseeday in ay qoomiyadaha Itoobiya sinaanta, midnimada, iyo dimuqraadiyada ay kaga baxeen cadaadiskii Dergiga iyo kaligii talisyadii laga dulqaaday. Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu bogaadin usoo jeediyay jaaliyadaha DDSI meelkasta oo ay joogaan iyo taageerada hawlaha horumar, nabadgalyo iyo maamul-suuban ee ay lagarab taaganyihiin DDSI iyo guud ahaanba dalkooda.

Qaybaha kala duwan ee jaaliyada oo aad uga hadlay ahmiyada fursada qoomiyadaha iyo heerka uu maanta dalku marayo ayaa waxaa isna kahadlay gudoomiye kuxigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka Germany mudane Cabdirashiid Shuqul oo ku sharaxaad ka bixiyay isbadalka ay qoomiyaduhu maanta kunaaloonayaan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay maalinta dimuqraadiyada qoomiyadaha Itoobiya ay heleen isagoo uga mahad celiyay gudiga iyo qaybaha kaladuwan ee jaaliyada oo markasta garab taagan DDSI iyo ilaalinta dalkooda horumarka iyo nabadgaladiisa.

Munaasibadan lagu maamuusayay ahmiyada maalinta qoomiayadaha Itoobiya ee Frakfurt ayaa waxaa kale oo laga soo jeediyay guubaabin iyo wacyi galin dhiiri galinaysa sii xoojinta jaaliyada DDSI ee Germany hawlaha taageero iyo qayb qaadasho ee horumarka iyo nabadgalyada DDSI iyo guud aahaanba dalka.

Iyadoo ay ay jaaliayadaha DDSI ee qurbaha ay door lama ilaawaan ah kaga jiraan taageerada isbadalka iyo horumarka DDSI  ayaa waxaa xusid mudan in Jaaliyada Germany ee DDSI ay kaalin laxaad leh ka qaataan hawlaha nabadgalyada iyo horumarka DDSI, waxaana todobaadkan muuqanaysa dabaal dagyo balaadhan oo ay jaaliyadaha DDSI ee wadamada qurbaha kumuujinayaan taageerada iyo qiimaha maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo ah mida dhaxalsiisay aas aaska dastuurka mideeyay shucuubta iyo qoomiyadaha Itoobiya.