Shirkii Qiimaynta Waxqabadka 6dii Bilood Ee Gobolada, Degmooyinka Iyo Maamul-Magaalooyinka Ee Sanadka 2007, Oo Kafurmay Hoolka Shirarka Ee Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Isniin.Dec.15.2014, Waxaa shalay ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan shirkii qiimaynta waxqabka 6da bilood ee sanad miisaaniyeedkan aan ku jirno, waxaana shirkan qiimaynta loo qabtay dhamaan  gobolada degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI.

Shirkan qiimaynta oo ay shir gudoon ka ahaayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir  DDSI iyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo Sudaac Axmed.

Shirkan qiimaynta oo si toos ah diirada loogu saarayay waxqabadkii mashaariicaha horumarineed ee degmooyinka gobolada iyo maamulada magaalooyinka ayaa waxaa ugu horayntii furitaankii shirkan qiimaynta ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in ay xukuumadu sanadkan dajisatay qorshayaal horumarineed oo cilmiyaysan kuna taxaluqa baahiyaha shacabka deegaanka la dagaalanka saboolnimada kor u qaadida koboca dhaqaalaha kuwaasi oo guulo wax ku ool ah laga soo hooyay sanadkan.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu tilmaamay halka uu yahay hayaanka horumarineed ee ay xukuumadu hiigsanayso qorshayaasha horumarineed ee xukuumada kuwooda dhaw kuwa dhex  dhexaadka ah iyo kuwa dheerba isaga oo madaxwaynuhu si qoto dheer ugu nuux nuuxsaday hogaamint gobolada iyo maamulada magaalooyinka heerka fulineed ee looga fadhiyo iyo in inta uu socdo shirkan qiimaynta ah si qoto dheer loo lafa guridoono  heerka uu hogaaminta ka taagan yahay fulinta qorshayaasha. horumarineed.

Haddaba shirkan qiimaynta oo si toos ah shaybaadhka diirada horumarineed loogu qaban doona hirgalinta mashaariicihii horumarineed ee qorshaysnaa 6 bilood sanad miisaaniyeedkan 2007.T.I wixii ka qobsoomay waxaan ka qobsoomin iyo sobobta ay u qabsoomi waayeen.

Shiran oo socon doona maalmaha fooda inagu soo haya ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah wixii ka soo baxana wararka danbe ayaan idiin ku soo gudbin doonaa.