Wafti Balaadhan Oo Uu Horkacayay Madaxwaynaha DDSI Oo Caawa Kusugan Magaalada Dh/buur Ee Xarunta Gobolka Jarar.

Dhagaxbuur(CN) Talaado.Dec.16.2014, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo ku wehelinaysay ayaa maanta galinkii danbe ka anbabaxay xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga.

Madaxwaynaha iyo waftigan wehelinaysay ayaa caawa kusugan magaalada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar. Madaxwayne Cabdi Maxamuud iyo waftigiisan oo ay ujeedada socdaalkoodu tahay kormeerka hawlaha horumarka iyo maamulka suuban ayaa lafilayaa in ay sidoo kale gaadhaan goobo badan oo ay kormeeri doonaan heerka iyo guulaha laga gaadhay.

Waftiga ayaa intii ay galabta socdaalka kujireen ku hakaday tuulada Higlaleey ee degmada Dhagaxbuur iyo qaar kale oo u dhaxeeyay deegaanadaasi.

Kalasoco CakaaraNews faahfaahinta socdaalka madaxwaynaha iyo waftigiisan.