Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Ka Dhacay Magaalada Addis-ababa oo Lagu Falanqaynayay Qaacidada ama halbeega Qaybinta Miisaaniyada Deegaanada DFI.

Addisababa (CN)Khamiis, Dec-18-2014 Waxaa magaalada Addisababa ka dhacay kulan wada tashi ah oo lagaga wada hadlayay Qaaciidada Miisaaniyada loogu qaybiyo Degaanada Dalku ka kooban yahay (Intergovernmental fiscal transfers) oo Ka Dhacay Magaalada Addis-ababa,

Kulankan ayaa ay wada jir u soo bandhigeen Golaha federeeshinka iyo Bangiga aduunka.iyada oo lagu gorfeeyay kulankan Qaaciidada Degaanada dalku ay Miisaaniyada ugu qaybiyaan Degmooyinkooda, taas oo Deegaan kastaa uu ku soo bandhigay warbixinta Qaaciidada Miisaaniyad qaybinta iyo Maamulka khayraadka Maaliyadeed  si ay Deegaanadu khibrad iyo waayo aragnimo ugu  kala qaataan kulankan.


Hadaba kulankan oo uu furitaankiisa ka hadlay Afhayeenka Golaha Federeeshinka Mudane Kaasa Tekle Burhan, ayaa waxaa dhinaca DDSI uga qaybgalay Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI, mudane Jamaal Faarax warmooge, Gadhwadeenka Geedisocodka Qorshaynta, Miisaaniyada iyo Q&D, mudane Cabdiraxmaan Axmed Mataan iyo Gadhwadeenka Geedi socodka fulinta sharciyada ee Xafiiska Dakhliga DDSI mudane Cabdicasiis Axmed, taas oo makii ay dhegaysteen warbixinta degaanka Soomaalida Itoobiya ay aad ugu riyaaqeen masuuliyiinta Golaha federeeshinka, Bangiga aduunka iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashii kaleba horumarka balaadhan ee uu degaanku ku talaabsaday sanadihii ugu danbeeyay ee dhinacyada nidaamka maamulka maaliyadeed.