Waftigii uu hogaaminayay Madaxwayne Ku-xigeenka Maamul Goboledka Jubaland oo Kulan Aqoon korodhsiya la yeeshay masuuliyiinta Xafiisyada Horumaarinta DDSI .

Jigjiga(CN) Jimce Dec-19-2014. Waftigii uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka jubaland ee maalmahan boogashada ku joogay xarunta deegaanka ee jijiga ayaa waxay booqashooyin ku tageen mashaariicaha waawayn ee horumarineed waxaana booqashadaasi ku horkacayay wafigigan dhinaca xukuumada DDSI madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudan Mawliid Haayir Waxayna ka bilaabeen booqashadooda jaamacada jigjiga oo aad aad ula dheceen waftigani habka barisbarasho iyo kuluunta kala duwan ee ka socda jaamacada waxaa kale oo ay booqdeen dhamaan kuliyadaha ka jira xarunta deegaanka ee jigjiga dhakhtarka wayn Referral jijiga iyo mashaariico horumarineed oo ka socda caasimada deeganka.

Waxaa markay ay ka soo noqdeen waftigani booqashadoodaasi ay kulan la yeesheen masuuliyiinta xafiisyada horumarka DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd in ay aqoon-kororsi iyo waayo aragnimo dheeriya ka qaataan  Xukuumada DDSI habka ay ku gaadheen hirgalinta Qorshayaasha Horumarineed,Hirgalinta Adeegyada aasaasiga ah iyo Kaabayaasha Dhaqan-Dhaqaale sida Bayaanka isbadalka horumarineed iyo Qorshaha Horumarnta Qarniga MDG.

Dhamaan xafiisyada waawayn ee Dhinaca horumarka DDSI ee ay ka midka yihiin XafiiskaHorumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyada,Xafiiska Caafimaadka,Waxbarashada,Beeraha iyo Biyaha ayaa waxay waftigan u soo bandhigayeen qorshayaasha horumarineed ee u dajisan kuwaada dhaw kuwa dhexe iyo kuwa dheerka