Madaxwaynaha DDSI iyo Waftigiisii oo Booqday Maanta Goobta Taariikh-Deegaanka ee Kali Si Wayna Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Godey oo Caawa Ay Ku Sugan Yihiin.

Godey(CN) Jimce DEc-19-2014.Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiintii heer deegaan ee ku wehelinayay Socdaalkan ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Qabridahar iyagoona u soo jihaystay dhanka wadada laamiga ah ee tagta magaalada Godey ee Gobolka Shabeele. Waftiga ayaa sidii caadada u ahayd ku hakanay Tuulo kasta ama meel kasta oo ay ku arkaan Qaybaha shacabka islamarkaana ka waraysanayay Xaaladooda nololeed,Sida uu Horumaka dawladu u soo gaadhay,heerka waxbarashada iyo daryeelkooda caafimaad iyo Baahiyahooda ugumuhiimsan.

Madaxwaynaha iyo Waftigiisa oo inta u dhaxaysa Qabridahar iyo Degmada Dhanaan ay Tubnaayeen wadooyinka Shacab la taagan wadooyinka caleemo Qoyan ruxayayna calamada DFI iyo ka DDSI ayaa isu majiiray Dhanka Goobta caanka u ah taariikhda Dawlad-Deegaanka soomaalida itoobiya ee lagu magacaabo Kalli.

Masaafo ka baxsan ilaa 40km ayaa ay Qaybaha Shacabka,Ardayda,Cuqqasha,Waxgaradka iyo Maamulada Heer Gobol,Degmo iyo Maamul Magaalo ay soo dhawaynta Madaxwaynaha darteed ugaga soo baxeen Magaalada Godey oo ahayd halka uu ku wajahnaa socdaalka Madaxwaynaha iyo Waftigiisa kuwaasoo caleemo Qoyan,Boodhadh iyo Calamada Deganka iyo Federalka kala hor yimid Halkaasoo ay waftigu ka degeen Baabuurtii islamarkaana salaan kal iyo laab ah oo asqaysay madaxwaynaha ay ku kaliftay in ay lug ku wada galaan magaalada Godey oo uu Waftigu Caawa ku sugan yahay.

Isku soo wada xooriyoo madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu Qaybaha Shacabkaiyo Qaabdhismeedyada dawlada Gobolka Shabeele uu la yeelan doono kulamo isugu jira Wadatashi iyo Qiimaynta Heerka waxqabadka mashaariicaha Horumarineed ee Gobolka Shabeele,Degmooyinkiisa iyo maamulka magaalada Godey.