Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Maanta Ka Dhacay Madaxtooyada DDSI Ayaa Deeq Waxbarasho Arday Dhan 100 Loogu Deeqay Maamul-Goboleedka Jubaland State.

Jigjiga(CN) Dec-19-2014.Waxaa maanta ka dhacay xafiiska madaxtooyada DDSI kulan ay xukuumada DDSI deeq waxbarasho ku gudoonsiisay waftigii uu hogaaminayay madaxwayne ku-xigeenka maamul goboleedka soomaaliyeed ee jubaland mudane cabdilaahi sheikh ismaaciil fartaag .

Kulankan oo ay hogaaminayeen madaxwayne ku-xigeenka DDSI ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo sucaad ahmed faarax iyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir ayaa waxay u sheegeen waftigan uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka jubaland in ay xukuumada DDSI mar ay shir isugu yimaadeen Golaha Capinetka oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar saacado ka hor intii uusan socdaalka u bixin in la go'aamiyay Deeqwaxbarasho oo la siiyay Maamulka Jubaland ay jaamacadaha Deegaanka ku soo xaraysan karaan Arday Dhan 100.

Dhankooda waftigii uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka jubaland mudane cabdilaahi sheikh ismaaciil fartaag ayaa siwayn u soo dhaweeyay deeqday waxbarasho ee ay ka heleen walaaladooda DDSI siwayna ugu mahadqanayaan dareenka walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo maamulka jubaland.