Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Iyo Waftigii Kuwahelinaysay Ee Toddobaadkan Kujiray Hawlaha Kormeerka Ayaa Galabta Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta DDSI Ee Caasimada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Isniin.Dec.22.2014, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafigii wahelinayay ee toddobaadkan ku hawlanaa socdaalkii lagu kormeerayay hawlaha horumarka ee qaar kamida gobolada degaanka ayaa galabta soo gaadhay xarunta magaalada Jigjiga.

Waftigan uu madaxwaynuhu horkacayay oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin sare oo heer deegaan ah ayaa toddobaadkan soo maray deegaano badan oo uu madaxwaynuhu kormeerayay mashaariicaha dhamaaday, kuwa mustaqbalka islamarkaana wadatashi hawlaha horumar ah kala yeelanayay waxgaradka iyo salaadiinta deegaanada iyo degmooyinka uu soo maray waftigu.

Socdaalkaas ayuu madaxwaynuhu xadhiga kasoo jaray mashaarico badan sidoo kalena uu dhagaxdhigay mashaariico
waawayn oo uu kamidyahay mashruuca biyo galinta iyo horumarinta dhul-daaqsimeedka Birqod-Gunagado-MarsinGaashaamo-Danood oo hada si toos ah loo bilaabay kaasoo dhulka ciid horumar dhanka biyaha ah ka gaysan doona.