Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Uk oo Kulan Safaarada JDI ee London Ka Dhacay Ku Bixiyay 30 Kaar.

London(CN) Isniin Dec-22-2014.Waxaa Magaalada London Lagu Qabtay Shir Ay Soo Agaasimeen Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya ee ka dhisan wadanka UK shirkaasoo Kadhacay Hoolka Safaarada Itoobiya Ay ku Leedahay Magaalada London iyadoona Ay Ka Soo Qeybgaleen munaasabadn Musuuliyiin Sare iyo Diplomaasiyiin ka socday Safarada jamhuuriyadaFederalka Itoobiya Ay Ku Leedahay Magaalada London Iyo Masuuliyiinta Jaaliyada DDSI ee Uk.

Xafladaasi Ayaa Waxaa Daah Furay Oo Aad Uga Mahad Celiyay Jaaliyada DDSi In Ay Tahay Jaaliyadaha Itoobiya Kuwa Ugu Horeeya Oo Ka Qeybqaata Hormarka Iyo Nabadgalyada Madaxa Jaaliyaadka Itoobiya Mudane Demeke Atnafu.

Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Counsellor South Walesh Mudane Faruk oo Sheegay In Uu Aad Ugu Farax Sanyahay Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Oo Ay Kubixinayaan Kaarar Dadkii Iska Diwaan Galiyay Oo Maanta Aya Qadanayaan Kararkii Ayna Bixinayaan 30 Kaar Taaso Ay Sharaf Weyn u Tahay Safaarada In Uu Isaga Bixiyo Kararkaasi Isgoo Ku Hadlaya Magaca Safaarada Ayuu Mahad Celiyay Masuuliyiinta Jaaliyadda Sida Quruxda Badan Ay Markasta Ay u Wargaliyaan Howlahooda Taageero Ay Wax Ugu Qabanayaan Bulshadooda Ayna Garab Taagan Tahay Safaarada Itoobiya Markasta.

Dhanka kale Waxaa Halkaasi Kahadlay Gudoomiyaha Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Marwo Sacdiya Cabaas Oo Àad Uga Mahad Celisay Marti Sharafta Kulankan Ka Soo Qeybgashay Iyo Sida Ay Uga Qeybqaateen Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Taasoo Loo As Aasay In Lagu Hormariyo DDSi.

Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Suldaan Bashiir Maxamuud Haybe Ka Tirsan Odayaasha Jaaliyadda DDSI Oo Aad Uga Mahad Celiyay Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Oo Dadaalo Farabadan Sameeyay Oo Aysan Aheyn Markii Koobaad Ay Kaarar Bixiyaan Ay Dhowr Mar Ay Bixiyeen Oo Uu Ka Soo Qeybgalay isagoona Sheegay In Ay Sharaf Weyn U Tahay In Lagu Marti Qaado Uuna Ka Soo Qeybgalo.

Sidoo kale Waxaa Kaloo Kahadlay Odayaasha Jaaliyadda DDSi Mudane Sheekh Xuseen Oo Sagaal Bilood Ku Maqnaa DDSi Oo Kawarbixiyay Hormarka Iyo Nabadgalayad Iyo Maamulka Suuban Sheekh Xuseen Ayaa Khudbad Dheer Ka Soo Jeediyay Kulankaasii Oo Ugu Baaqay In Ay Wadankooda Ay Soo Maalgashadaan