Masuuliyiin Heer-Deegaan ah oo Garoonka ku soo Dhawaysay Xubno Ka Tirsan Hogaaminta uurka Sedyo-Sweden.

Jigjiga(CN) talaado Dec-23-2014.Waxaa maanta gagida dayuuradaha caalamiga ah ee Garaad Wiil-waal International Airport ka soo degay Qaar ka mida masuuliyiinta ururka dhalinyarada Sedyo-Sweden halkaasoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen garoonka masuuliyiin ka tirsan Xukuumada oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku-xigeenka xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Baashe Cabdi iyo Madaxa Xafiiska Baarlamaanka mudane Ibraahin.

Waftigan ka socday Sedyo-Sweden ayaa ay ka mid ahaayeen Mudane c/casiis abubakar xasan oo u Qaybsanaha madaxa arimaha xidhiidhka ururka,Axmed xasan aadan (shaxda) oo ah xubin gudi-fulin iyo marwo ifrah Trafiko oo ah xubin.

Isku soo wada duuboo waftigan ayaa la dejiyay Guryaha Martida Qaryaan Dhoodaan iyagoona gudagal doonaa hawlahoodala xidhiidha booqashada.