Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Los Angeles oo Wadar ahaan Loogu Xusay Xuska 9aal Jirsaday ee Maalinta Shucuubta iyo Qowmiyadaha HIdhar 29 iyo Jaaliyada DDSI oo Muunad u ahayd Qowmiyadaha.

Los Angeles(CN) Talaado-23/12/2014 Waxaa Magaalda Los-Angeles Ee Cariga Maraykanka Lagu Xusay munaasabad si heer sare ah ay u soo agaasimeen Qunsuliyada Jamhuriyada Federalka Itoobiya u fadhida California fadhigeeduna yahay Los-angeles.Munaasabadan oo aad u soo jiidatay dhamaan ka soo qaybgalayaashii ayaa lagu maamuusayay Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya oo sanadkan heer qaran lagu xusay Deegaanka Binishangul-Gumuz caasimadiisa Asoosa sidoo kalana Deegaanada Dalka iyo Dibadaha aad looga xusay.

Munaasabadan oo ay ka qaybgaleen Qunsulka JFI u fadhiya Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf,Diplomaasiyiin,madax Gobolka California,Jaaliyaadka 9ka Deegaan ayaa Lagu Soo Bandhigayay Dhamaan Hida Iyo Dhaqanka Qoomiyadaha Ayaa Sidoo Kale Waxay Qowmiyad Walbaa Ku Soo Labisatay Dharka Ay Dhaqanka Ay Hidaha U Leeyihiin.

Sidoo Kale Waxay Qoomiyaduhu Soo Ban Dhigeen Cuntooyinka Ay Qawmiyad Walba Ku Caanka Tahay Xafaladan Ayaa Waxaa Si Goo’ni Ah Uga Muuqday Qowmiyada Somalida Ethiopia Oo Aan Runtii Ukala Hadhin, Kana Soo kala Boqoolay Magaalada San Diego Oo U Jirta Los Angeles In Ka Badan 200KM.

Munaasabadan Oo Si Wayn Looga Soo Qaybgalay Ayaa Waxaa Qudbad Dheer Oo Melo Badan Taabanaysa Ka Soo Jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Ethiopia Ee California Mudane Eng.CabdullaahI Caydiid, Oo Si Qoto Dheer Uga Warbixiyay Wajiyadii Kale Duduwanaa Ay Ethiopia Soo Martay, Cadaalada Iyo Dimuqraadiya Ay Keentay Dawlada EPRDF Iyo Ri’sal Wasaarihii Aragtida Fogaa Ee Malez Zenawi Uu Ku Salaysanayd, Cidaalad Iyo Sinaan, Runtiina Ku Tilaamay Hormarka Iyo Nabadgalyada Laga Gaadhay Guud Ahaan Ethiopia Iyo Gaar Ahaan Deegaanka Somalida Mid Lagu Diirsan Karo.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Jaaliyadu Eng. Cabdullaahi Caydiid Aya Waxuu Sheegay In Isagoo Fursadan Ka Faa’idaysanaya kuna hadlaya magaca jaaliyada In Tageero Buuxd ay Lagarab Taagan Yihiin Shirwaynihii 8aad Ee XDSHSI Ee Kadhacay Magaalada Fiiq Ee Gobolka Nogob Iyo Horumarka Baaxada Wayn,Maamulka Suuban, N/galyada, Maalgashiga iyo Shaqo abuurka ay ku talaabsatay xukuumada uu majaraha u hayo Mudane Madaxwyne Abdi Mahamud Omar Hogaanka U Hayo Iyo Nabadgalyada Guud Ee Ka Taabagashay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyo.

Qunsulka mudane Xabiib Muxumed Yuusuf oo ka hadlay munaasabadan ayaa ugu horayn ugu hambalyeeyay farxada iyo xusuusta halgankii qadhaadhaa ee ay EPRDF dalka ugaga dulqaaday taliskii faashiistiga dhiigyacabka ahaa ee Mingistu. Mudane Xabiib ayaa ka faalooday Fursadihii dimoqraadiyadeed ee laga dhaxlay halgankii bahwadaagta EPRDF kuwaasoo sugay dhamaanba xuquuqihii aasaasiga ahaa,xaqa sinaanshaha,isxaqdhawrka Qowmiyadaha, Xoriyaadka kobcinta afka,Taariikhda,Diimaha iyo Dawlad Wadaaga uu xuduntau yahay Axdi-qarameedka ay wada dhigteen Qowmiyadaha iyo Shucuubtu.

Sidoo klae Qunsulka ayaa Sharax Guud ka bixiyay sooyaalkii uu Deegaanku soo maray 20kii sano iyo khaladaadkii dhacay ee lagu baalmaray in shacabwaynaha Deegaanka ee daranyada,Horumar la'aanta iyo Dibudhacu ku habsaday laga samato bixiyo balse waxaa ay noqdeen kuwo ay isu kaashadeen Dibindaabyooyinkii nabad-diidka iyo maamuladii fadhiidka ahaa intii ka horaysay xukuumada maanta ka talisa Deegaanka ee madaxwayne CMC oo ah xukuumadii ugu horaysay ee shacabka deegaanka dhadhansiisa waxtarka iyo faaiidooyinka horumarineed ee Dawlada islamarkaana isku xidhay Bulshada Dalka iyo Dibadaba xididadana u siibtay nabad-diidkii UBBO ee halaagay Shacabka.

Dhanka Kale Iyana Waxaa Xusid Mudan In Jaaliyaadka Somalida Ethiopia Ee Cariga USA Ay Malinta Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Ethiopia Ee 9aad Ay Ku Xuseen Magaalooyinka Columbus Ohio Iyo Magaalda Seattle Ee Gobalka Washington. FacebookTwitterGoogle+Share