Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Waxbarashada DDSI iyo xafiiska Cadaalada DDSI oo deeq iskugu jirtay Qalab-Waxbarasho iyo Buugaag Dastuurka DDSI Gudoonsiiyay Xarunta Dhexe ee Dhaqan-toosinta.

Jigjiga(CN) Arbaco Dec-24-2014.Xafiiska waxbarashada DDSI iyo Xafiiska Cadaalada DDSI ayaa wadajir Gudoonsiiyay Komishinka xarunta dhaqantoosinta ama Xabsiga dhexe ee magaalada jigjiga deeq isugu jirtay Qalab waxbarasho iyo Nuqulo badan oo ka koobnaa dastuurka dib loo habeeyay ee Deegaanka si ay xafiiska cadaalada DDSI ayaa si wada jir ugu deeqay agab waxbarasho iyo buugaagta dastuurka deegaanka si ay uga faaiidaystaan Ardayda maxaabiista ah ee culuunta waxbarasho ee kala duduwan ka barta Xarunta Tababarada iyo Dhaqantoosinta Xabsiga Dhexe.

Xafladii deeqdan lagu wareejinayay ayaa ay siwada jir ah u wareejiyeen madaxwayne ku-xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir, wasiir ku-xigeenka cadaalada DDSI mudane Ahmed rishaad cali-nuur, komoshineerka komishinka booliska DDSI ahna maayarka maamulka magaalada jigjiga mudane cabdiriaaq saxane, waxaana deeqdan lagu wareejiyay komishineerka komishinka asluubta DDSI mudane nuur cabdi maxamed. Waxaana ka hadlay ujeedada deeqdan waxbarasho, madaxwayne ku-xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir xasaan.

wuxuuna sharax guud ka bixiyay qaybaha ay iskugu jirto deeqdani isaga oo sheegay dadaala ay xukuumadu ugu jirto ilaalinta xuquuqada ay leeyihiin maxaabiistu iyo in ay xarunta dhaqantoosintu tahay meel ay maxaabiistu ka bartaan dhamaan culuunta noocyadeeda kale duwan sida dugsiyda hoose, dhexe, sare iyo waliba heer jaamacadeed iyo shuruucaha kala duwan e dalka iyo deegaankaba u yaala.

Dhankiisa waxaa isaguna ka hadlay deeqday komoshineerka komoshinka asluubta DDSI mudan nuur cabdi maxamed isaga oo siwayn ugu mahad naqay deeqday ay ka heleen xafiiska waxbarashada iyo cadaalada wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay noocyada kale duwan ee waxbarasho ka jira xarunta dhaqantoosinta isaga oo sheegay in ay waxbarasho tayo leh ka helaan maxaabiista ku jirta xarunta dhexe ee dhaqantoosinta, taasi oo iskugu jirta waxbarashada dugsiyada hoose ilaa sare iyo barashada xirfadaha farsamo ee gaagaaban wuxuuna sheegay komoshineerku in ay ka helaan ilo shaqo oo ay sameeyeen dhagaxaanta qoron.

Masuuliyiintan ayaa waxay si wadar ah u soo kormeeren fasalada kala duwan ee ay culuuntu ka socoto sida dugsiyada hoose iyo kuwa sare oo ay xiligaasi ka socotay tabinta waxbarashadu. waxaana warbaahinta ku helinilaysay kormeerkaasi la hadlay qaarka mid ah maxaabiista ay waxbarashadu u socoday oo xiligaasi ku jiray galaaska 10 aad waxayna sheegeen in ay aqoon balaadhan ka helaan intii ay ku jireen xarunta dhaqan toosinta iyaga oo siwayn ugu mahad naqay xukuumada u fidisay waxbarashadan tayada leh.