Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hantidhawraha Guud ee DDSI oo ka Warbixiyay Qorshaha Hantidhawr ee sanadkan 2007.

Jigjiga(CN) Dec-24-2014. Hantidhawraha guud Mudane Adan Kusow cali ayaa ka warbixiyey waxqabadka qorshaha xafiiska ee 2dii rubuc ee la soo dhaafay iyo guud ahaan qorshaha foq ee ee xafiisku uu hiigsanayo, wuxuuna tibaaxay in xafiisku wakhti xaadirkan uu dardar galiyey habsami u fulinta qorsheyaasha hantidhawr ee uu ka fulinayo xafiisyada dawlada heerarka kala duwan, taas oo u jeedadeedu tahay in la xaqiijiyo in miisaaniyadaha loo shubay xafiisyada lagu fuliyey qorsheyaashii horumarineed ee loogu talagalay in looga faa’iideeyo bulshada ku dhaqan deegaankeena iyo waliba in mashaariicaha lafuliyey ay bulshada u bixyaan adeegyadii horumarineed ee loogu talogalay.

Habsami u isticmaalka iyo qorshe ku shaqaynta miisaaniyadu, waa hirgalinta hayaanka qorshayaasha horumarineed si loo dar dargaliyo islamarkaana loo xoojiyo habraacyada qorshe ku shaqaynta miisaaniyadaha waa in ay jiraan qorshayaal ku taxaluqa adkaynayo baadhista iyo dhawrida qorshe ku shaqaynta miisaaniyadaha deegaanka ayuu yidhi hanti dhawruhu . I

saga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa yidhi” sidaan wada ogsoonahay xukuumada DDSI waxay sanadihii ugu danbeeyay qaaday dadaalo balaadhan oo lagu hirgalinayo horumar buuxa oo aan soo noqod’lahayn, waxaana sal u ah hirgalinta qorshayaasha horumarineed qorshe ku shaqayn cad cadaan iyo isla xisaabtanka.

xafiiska hanti dhantidhawrka guudna waxa uu u aas aasan yahay baadhista hantidhawr ku salaysan dabagalka miisaaniyadaha ee xafiisyada deegaanka degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka si looga midha dhaliyo qorshayaasha horumarineed korna loogu qaado koboca dhaqaalaha DDSI”

Sidoo kale waxa uu warbixin dheer ka bixiyay wantidhawruhu in qorshayaashii sanadkan u yaalay xafiiska laga soo hooyay guulo waawayn oo wax ku gool kuna salaysan adkaynta xirfadaha hantidhawr ee deegaanka oo door muhiim ah ka qaadanaya habsani u isticmaalka qorshayaasha horumarineeed .