Ubbaygii C/casiis Ibraahim Caarid(Badhcun) Iyo Xubin Alqushaash Ah Oo Indhaha Loo Shiday.

Dulqabow(CN) Jimce.Dec.26.2014, Sida lawada ogsoonyahay ururka UBBO ayuu gabalkiisu dhacay kadib markii ay ilmadii shacabka kadhalatay xoog iyo cudud ciidan oo kadhiidhiyay dhibkii UBBO islamarkaana cashir lama ilaawaan ah u dhigay gabi aahaanba fikirkii iyo xoogii UBBO oo wakhtigan saaxi kadhigay DDSI.

Hadaba wararka nagasoo gaadhaya nawaaxiga Dulqabow ee deegaanka Qoraxay ayaa sheegaya in Arbacadii hore ee lasoo dhaafay ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Liyuu bolisku ay indhaha u shideen 4 xubood oo ay kamid ahaayeen ubbaygii la odhan jiray C/casiis Ibraahim oo ku magac dheer Badhcun iyo xubin Alqushaash ah oo Cabdicasiis lagu magacaabo.

Sida ay sheegeen dad goobjoog ka ahaa dilka nimankan ayaa sheegay in Badhcun uu ahaa nin aad u wayn oo aan madaxiisa tin madow lahayn. Badhcun ayaa kamid ahaa masuuliyiin iskusheegtii UBBO ugu danbaysay kaasoo ahaa jilib culus aad u da'waynaa.

Sida ay sheegeen dhaawac laqabtay, xubinka Alqushaashka ah ee isna ladilay ayaa dhawaan u soo galay Ubbada si uu utababaro dhanka miinada taasoo dabasocota heshiiskii Ubbada iyo Alqushaash. Waxaa maalinba maalinta kadanbaysa soo baxaya cadaymaha heshiiska kadhaxeeya UBBO iyo Alqushaash.