Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka DDSI oo Shir Qiimayn ah u Soo Xidhay Madax-xafiiseedyada Caafimaadka Degmooyinka DDSI iyo 4ta Maamul Magaalo..

Jigjiga(CN) Jimce Dec-26-2014.Shirkan qiimaynta ah oo mudo sadex maalmood ah ka socday hoolka shirarka ee males sinaawi Memorial Referral Hospital ayaa waxay ujeedadiisu ku qotontay qiimaynta waxqabadkii iyo natiijooyinkii ka soo baxay wareegii 12aad ee ololaha talaalka Dabargoynta Cudurka Dabaysha ee kala dhantaala laxaadka Ubadka soo koraya(POLIO) si haddii ay jirto looga gaashaanto sidoo kale cagabadihii iyo Goldoloolooyinkii ka soo baxay hirgalintii wareegii 12aad ee Talaalka Dabaysha si uu xafiisku ugu darsado qorshaha lagu wajahayo wareegyada xiga ee la qaban doono.

Haddaba shirkan qiimaynta ah oo loo qaybtay dhamaan madax-xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka ee degmooyinka iyo 4ta maamul magaalo ayaa waxaa xidhitaankiisii ka soo qaybgalay wasiir ku-xigeenka caafimaadka mudane cabdi-fataax siciid iyo qaarka mid ah agaasimayaasha waaxaha xafiiska caafimaadka DDSI ee ku shuqulka leh Cudurada Faafa,Daraasaadka iyo Faafreebka.

Xidhitaankii shirkaasi ayaa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo isugu jirtay dar-dargalin, dardaaran iyo tilmaan ka soo jeediyay wasiir ku-xigeenka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid wuxuuna tibaaxay in qiimayntii iyo jihooyinkii laysa qaatay mudadii uu socday shirka qiimayntu marka ay masuuliyiintani ku noqdaan degmooyinkii ay sidii loogu tala galay u gudbiyaan uguna shaqeeyaan si ficil ah una guntadaan meel marinta qorhayaasha horumarineed ee u yaala xukuumada iyo xafiiskaba. Ugu danbayntii qaarka mid ah madax-xafiiseedyadii uu shirku u socday oo la hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay shirkan qiimaynta ah ka heleen fahan durugsan oo ku qotoma hirgalinta qorshayaasha horumarineed.

Isku soo wada soohoo 5tii bilood ee ugu danbaysay ayaa uu xafiiska Caafimaadka DDSI oo kaashanaya Qaabdhismeedyada Dawlada ilaa heer tuulo,xirfadlaaysha Caafimaad ee Ciidamada Gaarka ah ee LP,Culumaaudiinka,Odoyaasha Dhaqanka iyo Qaybaha kale ee bulshada ay talaalka Cudurka dabaysha gaadhsiiyeen ilaa heer tuulo,islamarkaana inta badan degmooyinka la geeyay Qaboojiyayaaal ay xarumaha caafimaadku ku kaydsadaan Dawooyinka iyo Talaalka u baahan Refrigerator kuwaasoo ku shaqeeya Solar ama Qoraxda.