Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Iyo Masuuliyiin Heer Deegaan Ah Oo Galabta U Anbabaxay Xarunta Dalka Ee Adhis.

Jigjiga(CN) Sabti.Dec.27.2014, Waxaa galabta garoonka Garaad Wiil Waal ee magaalada Jigjiga ka anbabaxay madax sare oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Sida aad wararkayagii hore kala socoteen shabakada CakaaraNews dawlada federaalka ayaa magaalada Adhama ee deegaanka Oromiya ku qabanaysa tababar soconaya 3 maalmood oo bilaabanaya maalinta bari ah. Tababarkan ayaa waxaa qabanaya madax kasocota xafiiska EPRDF waxaana kasoo qayb galaya dhamaan wasiirada heer federaal, madaxwaynaha DDSI, 8 madaxwayne ee deegaanada, iyo masuuliyiin badan oo kasocota deegaanada.

Waxaana kasoo qayb galaya 1200 oo masuuliyiin iyo madax sare ah, waxaana tababarkan u jeedadiisu tahay sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd nidaam dimuqraadiya iyo hanaaanka suuban. Sidoo kale XDSHSI ayaa waxaa uu soo xushay xubnaha uga qayb galaya tababarkan oo iyagu hada diyaar u ah kaqayb qaadashada tababarkan.