Maareeyaha Shirkada Dhismaha Jidadka DDSI oo Kawarbixiyay Waxqabadka Qorshayaasha Lagu Dardargalinayo Hirgalinta Mashaariicaha ay Wakaaladu kawado Deegaanka.

Jigjiga(CN) Sabti.Dec.27.2014, Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha jidadka  DDSI mudane Nimcaan Cabdi Obolos oo xafiiskiisa ugu waramayay shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa ka warbixiyay waxqabadka qorshayaasha shirkada ay ka wada deegaanka kuwa socda kuwa dhamaaday iyo qorshayaasha shirkada ee fog.

Wuxuuna sheegay maareeyuhu in ay wakhti xaadirkan ay shirkadu dardar xoogan galisay habsani u fulinta qorshayaasha wakaalda oo ah sidii adeegyada kaabayaasha bulshada jidadku ahmiyad balaadhan uleeyihiin horumarka nabadgalyada iyo kobocadhaqaalaha dalka iyo deegaanku higsanayo.

Waxayna shirkadu mudadiiyarayd ee ay jirtay guulo lataaban karo ay kasoohoysay dhinaca dhismayaasha jidadka iskuxidha gobolada Faafan iyo Siti gobolka nogob jidadka iskuxidha xamaro iyo mayu muluqo taasi iyadoo ay shirkada intabadan dhamaystirtay jidad tiro badan iyo buundooyin kuwaasi oo sahlaya isku socodka bulshada iyo gaadiidka ugala gooshaya degmooyinka deegaanka waxaana xusid mudan jidadka in jidad badan oo isku xidha qaarka mid ah gobolada DDSI oo markii hore ay ka jirtay jid la aan baahsani hada shirkadu ka hirgalisay jidad ay shacabka ku diirsadeen.

Sidookalena waxa uu kawarbixiyay in ay wakaaladu guulo waxku ool ah oo gashi horumarineed unoqonaya guud ahaanba deegaanka ay kasoo hoysay dhinaca jidadka  waxaa suurto gashay in iskusocodka gobolada deegaanadii dhinaca jidadka adkeyd in dhamaanba la isku xidho taas oo mudoyar gudaheed shirkadani dhismaha jidadku guulo lataaban karo kasoohoysay guud ahaanba deegaanka iyadoo dhismayawga mashaariicaha jidadku iskugu jiraan kuwo socda kuwo lasoo gabo gabeeyay iyo kuwo hada ay wakaaladu qaadashada qandaraaskooda kuhawlantahay.