Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababarkii Hogaaminta Sare Ee Xisbiyada Talada Haya Oo Maanta Kabilaabmay Magaalada Adama.

Adama(CN) Axad.Dec.28.2014, Sida aad wararkii hore kala socoteen CakaaraNews dawlada federaalka ayaa tababar sare ugu yeedhay hogaaminta federaalka, deegaanada iyo labada ismaamul ee Addis iyo Diridhaba. Waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin sare oo xisbiga EPRDF ah, wasiirada heer federaal, madaxwaynaha DDSI, siddeeda madaxwayne ee deegaanada,  labada ismaamul magaalo iyo masuuliyiin badan oo kakala timid deegaanada.

Tababarkan ayaa saaka kafurmay goobta shirarka ee Abo Geda ee magaalada Adama, masuuliyiin kasocday xafiiska EPRDF ayaa soo bandhigay qorshayaasha iyo istraatiijiyadaha doorashadan 5aad ee sida heerka qaran ah uga dhici doonta dalka. Tababarkan oo isugu jira qaybo badan ayaa waxaa kamida dood-cilmiyeedyo iyo macluumaadyo kala duwan iyadoo ay soo jeedin doonaan masuuliyiin sare oo EPRDF ah.

Iyadoo ay hogaaminta sare ee xisbiyada talada haya ee deegaanada iyo dawlada federaalku ay kudhanyihiin ayaa waxaa tababarkani uu yahay mid ay hogamintu u dhaadhicin doonto muwaaqirada kala duwan ee dalka. Tababarkan ayaa soconaya muddo 3 cisho ah iyadoo ay ujeedadiisu tahay sidii ay doorashadani u noqon lahayd mid nabadgalyo, cadaalada iyo nidaam dimuqraadi ahba leh, sidoo kale xisbiga talada haya iyo doorka kaga aadan.