Shir Lagu Qiimaynayay Heerka Warbixinta waxqabadka Isbitaaladee 6dii Bilood ee La Soo Dhaafay.

Jigjiga(CN) Axad Dec-28-2014. waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta deegaanka ee jigjiga qiimayntii waxqabadka adeeg-bixinta tayada Caafimaadka Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee 2dii rubuc ee sanad miisaaniyeedkan 2007TI taasi oo loo qabtay maareeyayaasha cisbitaalada deegaanka, waxaana diirada lagu saarayay cabirka halbeega heerka uu taagan yahay tayada adeeg bixinta caafimaada ee ay bixiyaan cisbitaalada deegaanka.

Xidhitaankii qiimayntaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiir ku-xigeenka caafimaadka DDSI mudan Cabdifataax Siciid iyo agaasinka waaxda daawaynta iyo dabagalka adeegbixinta caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Qaasim mahdi.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay xidhitaankii qiimayntaasi wasiir ku xigeenka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid oo si qoto dheer uga warbixiyay soonyaalkii isbadalada iyo jarar jarooyinka ay soo mareen guud ahaanba adeeg bixinta caafimaadka dalka gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya.

Wasiirku xigeenku ayaa sheegay in 4 sano ee ugu danbaysay xukuumada DDSI ay guulo wax ku ool ah ka soo hoysay dhinaca fidinta adeega bixinta caafimaadka tayaysan lana gaadhsiiyay daboolka 80% taasi oo siwayn wax looga qabtay baahiyihii bulshada deegaanka ka haystay dhinaca adeeg-bixinta caafimaadka, wuxuuna tilmaamay in ay qiimayntani ahayd mid si toos ah diirada loogu saarayay heerka uu marayo adeeg-bixinta cisbitaalada deegaanka iyo sidoo kale ka midho-dhalinta hirgalinta qorshayaashii u yaalay xafiiska 2dii rubuc ee sanadkan aan ku jirno ee la soo dhaafay.

Isaga oo tilmaamay in ay guulo gashi horumarineed noqday ka soo baxeen waxqabadkii 2dii rubuc ee qorshaha sanadka. Wasiir kuxigeenka ayaa wuxuu siwayn ugula dar-daarmay maareeyayaasha cistibaalada DDSI in ay ka soo dhalaalaan meel marinta hirgalitna hayaanka geedi-socodka qorshayaasha caafimaadka sanadkan.

Waxaa kale oo ka hadlay xidhitaankii qiimaynta agaasinka waaxda daawaynta iyo dabagalka adeeg bixinta caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Qaasim mahdi oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka qiimaytani ku qotontay taasi oo uu sheegay in ay tahay sidii loo ogaan lahaa waxqabadkii qorshayaashii 2 rubuc qaabkii loo hirgaliyay iyo u diyaar garobga rubux yadan kale.

Waxaa kale oo uu sheegay agaasinku in guud ahaanba adeegbixinta cisbitaalada deegaanku ay marayso meel aad u saraysa wuxuuna isaga oo hoosta ka xariiqay in cibitaalada deegaanku heerka adeegbixinta caafimaadka ay 2 rubuc ee sanadkan ay gaadhiiyeen 70% halka uu sanadkii hore ka ahaa 55% taasi oo ay muujiyeen xawaaraha uu ku socdo isbadalka horumarineed sidoo kalena waxa uu sheegay agaasinku in qorshaha 2 rubux ee hadsana uu yahay in la gaadhsiiyo 80%