Barnaamijkii Tababarka Tababarayaasha ee Hogaaminta Sare Oo Maalintii Labaad Kasocda Magaalada Adama.

Adama(CN) Isniin.Dec.29.2014, tababarkan ay dulucdiisu tahay istaratiijiyada iyo qorshayaasha xisbiyada talada haya ee federaalka iyo deegaanada iyo sidii ay doorashadu u noqon lahayd mid nabadgalyo iyo cadaalad kudhamaata ayaa maanta labilaabay dood cilmiyeedkii iyadoo ay xubnihii hogaamintu koox koox uga doodayeen mawduucyada doorashada iyo xisbiyada.

Waxaana maanta niskii hore cashiro sharaxaad dheer kajeediyay goobta shirarka ee ay hogaamintu tababarka ku qaadanayaan ee Abba Geda madaxda sare ee EPRDF oo uu kamid ahaa R/wasaare kuxigeenka mudane Damaqe Mokonin oo aad uga warbixiyay dabeecadaha doorashooyinka iyo doorka kaga aadan xisbi ahaan iyo dawlad ahaanba. Tababarkan ayaa waxaa kusugan madax badan oo federaal iyo deegaanada ah waxaana kamida Madaxwaynaha DDSI , siddeeda madaxwayne ee deegaanada iyo hogaamin badan oo kasocta federaalka iyo deegaanada.

Tababarkan oo socda labada galinba ayay maanta xubnaha hogaaminta sare koox koox uga doodeen arimaha doorashada, khibradihii laga dhaxlay kuwii hore, iyo sidii ay doorashadan 5aad ee dalka iyo deegaanadu u noqon lahayd mid amaan iyo cadaalad waafaqsan.

Waxaa aad looga dooday khibradaha iyo caqabadihii doorashooyinkii hore laga bartay iyo qorshaha doorashadan kaga aadan si loogu guulaysto doorasho nabadgalyo iyo cadaalad ah. Xubnihi kasocday hogaaminta sare ee DDSI ayaana kamuujiyay firfircooni iyo talooyin wax ku'ool ah.

Tababarkan hogaaminta sare ee doorashada 5aad ayaa ah mid ay hogaamintani ay usii gudbin doonto muwaaqirada iyo qaab-dhismeedyada kale ee EPRDF iyo kuwa deegaanda. Waana mid kaalin muhiim ah u leh diyaar garowga doorashada iyo sidii ay noqon lahayd mid waafaqsan shuruucda dalka iyo tan caalamkaba islamarkaana kamadax banaan carqalad kale.