Shirwaynihii 4aad ee Wada-tashiga Ka Hortaga Cudurka HIV/AIDS ee Heer Qaran ayna ka Soo Qaybgaleen Masuuliyiin Heer Fedaraal ah oo maanta ka furmay Xarunta Deegaanka ee Jigjiga.

Jihjiga(CN) Isniin Dec-29-2014. Waxaa maanta ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga shirwaynihii 4aad ee ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV ADISKA ee dalka itoobiya shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidee xaalada HIVga ee heer caalam, heer qaran iyo heer deegaan ay uwada qorfayn lahaayeen sidii looga xakamayn lahaa cudurka dilaaga ah iyo sidii tilmaan looga bixin lahaa jihada uu yeelan doono la dagaalanka HIVgu.

Waxaana furitaankii shirkaasi ka hadashay marwoda 1aad ee dalka marwo Roman Tesfaye mahadnaq ku wajahan soo dhawayntii loo fidiyay iyo Salaan ay guriga u soo jeedisay ka dib ayaa waxayna sheegtay in talka itoobiya dadaal dheeriya ugu jiro sidii loo xakamayan lahaa loona tir tirilahaa cudurka dilaaga ah e HIVGA iyadoo la kaashanayo Qaybaha bulshada iyo hay'adaha heer caalami,islamarkaana  .

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirkan madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo Sucaad Ahmed Faarax oo ka warbixiyay halista uu leeyahay cudurkani iyo dadaalada dheeriga ah ee xay xukuumada deegaanka iyo dalkuba ugu jiraan la dagaalan kiisa iyo xakamayntiisa waxayna sheegay in ay xukuumadu diyaarisay istaraatajiyada iyo qorshayaal lagula dagaalamayo xakamaynta cudurka.

Shirwaynahan Heer Qaran oo markii 4aad lagu qabtay Caasimada DDSI ee Magaalada Jigjiga ayaa ay furitaankii ka soo qaybgalay masuuliyiin socday heer faderaal ah oo ay ka mid yihiin marwoda 1aad JDFI marwo Roman tesfaye, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI mudane Fu’aad ibraahin, maamulaha guud ee xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV ee JDFI mudane Burhaanu fayia wakiilka hay'ada UNAIDS ee dalka itoobiya Dr Alanka matfi masuuliyiin ka kale socoday dhamaan deegaanada dalka iyo maamulada magaalooyinka iyo masuuliyiin kale.

Dhanka xukuumada DDSI waxa ka soo qaybgalay furitaankii shirkan madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo sucaad ahmad faarax golaha wasiirada DDSI wasiirada ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV ADISK ee DDSI marwo faaduma takhal culimo awdiinka odayaasha ugaasyada garaadada suldaanada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka.

Waxaana furitaankii shirkaasi ugu horayntii ka hadashay wasiirka ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIVga ee DDSI marwo faaduma takhal waxayna siwayn u soo dhawaysay masuuliyiinta heerarkooda kala duwan iyo bahwadaagta xafiiska ee suurto galisay in xafiisku helo taageerooyinka uu u baahanyahay si shirkani u qabsoomo waxayna sheegtay in uu shirkani waxtar mug leh u yeelan doono dadaalka wacyigalinta ka hortaga HIVga ee dadka sida gaarka ah ugu nugul in ay qaadaan HIVga.

Wasiiradu iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tidhi” Ujeedada guud ee laga leeyahay shirkan waxaa weeye in la ogaado xaalada dhabta ah ee faafitaanka HIVga ee dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo in daraasaad lagu soo bandhigo waxyaabaha sahlaya in HIVgu ku fido deegaanka gaar ahaan waxaan aaminsanyahay in uu shirkani xal u noqondoono baahida wacyigalinta HIVga ee bulshada xoolo dhaqatada ah ee deegaanka, waana midaas mida shirka ka hortaga HIVga ee heer qaran ka dhigaysa mid noociisa aan horay loo arag.

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii shirkaasi garaad kulmiye gaar maxamed garaad dool oo si qoto dheer uga warbixiyay aafooyinka iyo dhibaatooyika uu leyahay cudurkani dilaaga ah loona baahan yahay in jihooyin mid la lagaga hortgo la xoojiyo wacyigalinta bulshada qaybaheeda kala duwan.

Isku soo wada duub oo shirkan oo sii socondoona maalmaha soo socda ayaa waxa siwayn loogu lafa guridoonaa lagagana doodi doonaa xeeladaha La dagaalanka HIVga ee bulshada iskaga gudubta xuudadaha caalamiga ah ee deegaanka Soomaalida itoobiya iyo dalkaba .