Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Quraba-Joogta u dhalatay dagmada Gallaadi ee gobolka Doollo, kuna nool magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay taageersanyihiin Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI iyo guud ahaanba isbadalka nabadgalyo horumar, iyo maamulka suuban e

Minneapolis(CN) Talaado Dec-30-2014. Quraba-Joogta u dhalatay dagmada Gallaadi ee gobolka Doollo, kuna nool magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay taageersanyihiin Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI iyo guud ahaanba isbadalka nabadgalyo horumar, iyo maamulka suuban ee deegaanku ku talaabsaday.

Jaaliyada dagmada Gallaadi ee Minnesota ku dhaqan oo kulan isugu yimid sabtidii 28-ka December 2014 ayaa kaga wada hadlay xaalada deegaanku marayo iyo siday qaybtooda uga qaadan lahaayeen nabadgalyada iyo horumarka dagmada Gallaadi. Kulankan oo ka dhacay qolka shirarka ee Al-Nur oo ku yaalla badhtamaha Minneapolis, ayuu sidoo kale ka soo qayb galay Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya Mudane C/Raxmaan Bootaan oo Jaaliyada uga mahad celiyay doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin horumarka deegaanka.

Nabadoon Maxamed Axmad Carab oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay guud ahaan bulshada Deegaanka gaar ahaan  reer Gallaadi yihiin dad nabadeed oo waligood nabad galyada dagmadooda iyo guud ahaanba deegaanka u taagan, ayna mar walba garab taaganyihiin XDSHSI iyo dadaallada horumarineed ee sannadihii u danbeeyay deegaanka ka hirgalay.

Sidoo kale Nabadoon Maxamud oo kamid ahaa odayaasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu si dhab ah uga marag kacayo in deegaanka isbadal wayn oo dhanka hormarka biyaha, wadooyinka iyo isgaadhsiintaba laga sameeyay uuna ku faraxsanyahay heerka fiican ee u marayo, isagoo intaasi ku daray Cod uu  Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar kaga codsaday inuu booqasho ku tago, soona arko dagmada Gallaadi ee gobolka Doolloiyo shcabkeeda horumarineed ee u heelan Xukuumadooda maanta iyo Xisbiga talada hayaba.

Odayaasha kale ee kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Dr. Adan, Dr. A/Raxmaan Shire Qaaje, Nabadoon Cabdi Qaate iyo Nabadoon Ciise oo dhamaantood sheegay taageerada ay u hayaan XDSHSI iyo horumarka deegaankooda ka socda.

Guud ahaan kulanka ay Jaaliyada dagmada Gallaadi ee Minnesota ku dhaqan isugu timid ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan waxayna Jaaliyadu baaqa taageerada Shirwaynihii 8aad ee XDSHSI qoraal ahaan ugu direen Xarunta Dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya sida Ruuxda xisbinimo iyo hawlkarnimo Cadaaladeed ee ay kaga badbaadiyeen Deegaanka shaqsiyaadkii takarta ku ahaa Horumarka,N/galyada,Maamulka suuban iyo Midnimada Shawabwaynaha Deegaanka Dal iyo Dibad ee Nolosha Horumarineed iyo kobaca dhaqan dhaqaale bilawga fiican ku hogaaminayso xukuumada maanta iyo Xisbiga DSHSI.