Munaasabad Lagu Xusayay Sanadguurada 4aad ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Dugsiga Hoyga iyo Waxbarashada Agoonta Magaalada Jigjiga oo Ka Dhacday Hoolka SMCX.

 Jigjiga(CN) Talaado Dec-30-2014. Waxaa hubaal ah in nidaamka dimoqraadiga ahi markuu ka curtay dalkeena itoobiya ay kafaa’idaysteen deegaanada kale ee dalkeena marka laga reebo deegaankeena oo wakhtiyadii hore ka gaabiyay in uu la jaan qaado xawaaraha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ay deegaanada kale ku socdeen .

Hadaba waxa aynu dhamaanteen wada ogsoonnahay in deegaankeena ay ka dhasheen bilawgiiba ururo N/diid ah oo sababay dib udhaca ku yimid deegaankeena islamarkaana laga dhaxlay ama geystay tacadiyo badan oo dhan ka ah xuquuqda iyo xaqdhawrka sharafta binu-aadamka kuwaasoo uu ka mid ahaa hadhaagii ururkii dhiigyo cabka ahaa ee ka dabar go’ay deegaanka ee UBBO oo dabadhilif u ahaa Eriteriya,Argagaxiso iyo dadyow siyaabo kala duwan u halaagayay shacabka deegaanka.

Qawlaysatadii UBBO oo ku sifoobay xasuuqa iyo gumaadka shacabka deegaanka ayaa sababay in ay caruur badan ay waalid tiraan ayna waayaan daryeel iyo waxbarasho midna maadaama oo ay waalidkii daryeeli lahaa waxna barilahaa aysi arxan daro ah gumaadeen hadhagii UBBO.

Waxaaan la iska indhosaabi karin kadib markay hogaaminta xisbiga iyo hogaaminta xukumadii ay soo galee dhalinyaro si dhab ah uga damqanaysa dhibka iyo dib u dhaca shacabka oo ay sameeyeen qorshihii lagu tirtirilahaa UBO loona sugi lahaa amniga iyo xasiloonida deegaanka. Qorshahaas waxa kamid ahaa in la abuuro ciidanka booliska ee sida gaarka ah u tababaran liyuu boolis oo ka abuurmay ilmaddii shacabka deegaanka. waxaa kale oo ka mid ahaa qorshayaashaasi in la sameeyo dugsiyo hoy looga dhiga caruurta uu waalidkoodii xasuuqay hadhaagii UBBO.

Waxaana ka mid ahaa dugsiga hoyga agoonta ee jigjiga oo sanad guuradiisii 4aad maanta siwayn loogu xusay xarunta deegaanka ee jijiga. Haddaba munaasabadan xuska sanad guurada 4aad ee ka soo wareegtay maalintii aas aaskii dugsiga hoyga agaanta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha dugsiga hoyga agoonta ee jigjiga oo ay ka mid tahay maareeyaha dugsiga hoyga agaanta jigjiga marwo Nadiira Cabdiwaaxid Sarhaye, wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane cabdi geedi ardayda fasalada kale duwan ee ku xeraysan dugsiga hoyga agoonta iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan xuska dabaal daga sanad guurada 4aad oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo agaasimay kooxaha dhaqanka ee dugsiga hoyga agoonta iyo kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ay ku soo bandhigayeen dhaantooyin iyo heeso loogu talagalay munaasabadan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadashay maareeyaha dugsiga hoyga agoonta ee Jigjiga marwo nadiira cabdiwaaxid sarhaye.

Marwo Nadiira ayaa si qoto dheer uga warantay taariikhdii dugsiga hoyga agoonta iyo ujeedooyinkii loo aas aasay waxayna sheegtay in markii ay hogaaminta XDSHSI oo si durugsan uga jawaaba baahiyaha bulshadu ay u kuur galeen xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanka gaar ahaan bulshada ay sida gaarka ah u xasuuqeena ururkii horumar diidka nolol diidka iyo nabaddiika UBBO ayaa waxaa la yagleelay dugsiyo lagu xanaaneeyo waxna lagu baro caruurta uu waali tiray nabad diidku kana mid yahay dugsiga hoyga agoonta ee Jigjiga.

Waxayna sheegtay maareeyuhu in wakhtigii la aas aasay lagu bilaabay 350 arday oo xiligaasi lagu bilaabay dugsiga hoose waxaa kale oo ay tilmaantay in dadaalo dheer oo ay gashay xukuumada DDSI lagu guulastay in la hirgaliyo in loo sameeyo ardaydan ilaa heer dugsi sare maantana uu ka kooban yahay fasalada barbaarinta caruurta (kg) ilaa fasalka 12 ayna waxka bartaan hadda arday ka badan 550 arday kuwaasi oo uu dhamaantood waalid tiray hadhaagii nabad diidka UBBO. Dhankiisa waxaa isaguna ka hadlay munaasabadan sanadguurada wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane cabdi geedi oo sheegay ahmiyada ay xukuumada DDSI u hirgalisay dugsiyadan hoyga agoonta taasi oo ahayd in bulshada deegaanka laga saaro saboolnimada, jahliga iyo tiifdii ay shacabka deegaanka badeen hadhaagii UBBO laga sugo xuqiiqaha caruurta ay waalid koodii gumaadeen hadhaagii UBBO. Wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenka in mudadii yarayd ee uu jiray dugsigan hoyga agoontu jiray in uu soo saaray aqoon waxbarasho balaadhan oo gashi horumarineed u noqanaya guud ahaanba deegaanka waxaa kale oo uu tilmaamay wasiir ku xigeenku in ay xukuumadu markasta xilgaar ah iska saarayso daryaalka iyo waxbarashada caruurtan agoonta ah ee wax ka barata dugsiyada hoyga aqoonta wuxuuna ku booriyay caruurtan in ay si wayn uga soo dhalalaan waxbarashadooda . Dhankooda qaarka mid ah caruurta waxka barata dugsigan hoyga agoonta ee uu waalid koodii xasuuqay hadhaagii UBBO ayaa ka soo jeediyay munaasabadan khudbado siwayn u gil gilay dareenka ka soo qaybgalayaasha munaasabadan xuska waxayna ku soo jeedinayeen caruurtani khudbadahooga luuqado kala duwan sida luuqada axmaariga, ingiriiska cabariga iyo soomaaligaba khudbadahaasi oo ku qotomay hagardaamooyinkii ay badeen ururkii dhiigyo cabka ahaa UBBO. Iyo sida ay xukuumada DDSI uga xaqab tirtay dhamaanba adeegyada noloshooda ee aas aasiga ah sida hoyga cuntada jiifka iyo helida waxbarasho tayo leh.

Waxaa kale oo intii ay socoday munaasabadu kooxahan dhaqanka ee dugsiga hoyga agaantu ay ku soo bandhigayeen dhaantooyin iyo heese ay ugu tala galeen munaasabadan